Saacadihii la soo dhaafay waxaa magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabeelle gaaray gaadiid dagaal oo ku dhow 20 Cabdi Bile.
iyo ciidan u badan maleeshiyaad iyo hubkooda, waxaana la sheegay in ay diidan yihiin qabashada doorashada 2 kursi oo taala Jowhar.
Kuraastaan waxaa hadda ku fadhiyo Wasiirka amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo Wasiirkii hore ee amniga Maxamed Abuukar Islow, iyadoo guddiga doorashada HirShabeelle ay dib u dhigeen doorashada kuraastaas.
Ciidamada gaaray Jowhar waxaa ka horreeyay ciidan iyo gaadiid dagaal oo iyagana ku doodayay in la qabto doorashada kuraastaas, waxaana muuqato in Jowhar wajaheyso xiisad dagaal.
Ad