Home Wararka Maanta Furuumaha Dagaalka ee Dowlada oo loo diray Dhaqaatiir iyo Gurmad Xoogan

Furuumaha Dagaalka ee Dowlada oo loo diray Dhaqaatiir iyo Gurmad Xoogan

0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) ayaa furimaha gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe u dirtay dhaqaatiir, gawaarida gargaarka degdegga ah iyo daawo luugu tala-galay in lagu taageero geesiyaasha xaq u dirirka ah ee u taagan xoreynta dalka.

Dhaqaatiirta ayaa sal-dhig ka dhigan doona isbitaalka degmada Cadale, halka ay ka howl-gali doonaan, Moqokori, Aadan Yabaaal, Xaaji Cali, Guulane, Masaajidka Cali Gaduud iyo guud ahaan goobaha ay xoreynta iyo cirib-tirka Argagaxisada ka wadaan geesiyaasha xaq u hardanka ah.

Agaasimaha Waaxda Caafimaadka ee Hay’adda SoDMA Dr. Cabdullaahi Muuse Axmed ayaa magaalada Muqdisho ka amba-bixiyay dhaqaatiirta iyo taageerada ay wadaan, halka isla todobaadkaan ay Hay’addu degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan geysay daawo loogu tala-galay in lagu dabiibo dhaawacyada iyo bukaannada kale ee baxnaannada caafimaad u baahan.

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa xoojisay dadaallada yareynta khasaaraha ka dhasha howlgallada lagu cirib-tirayo Al Shabaab, waxa ayna hay’adad hadda qaadaneysa doorkeeda dagaalka uga aadan.

Ad
Previous articleDowlada Somaliya oo ka hadashey isku day dil uu ka badbaaday Madaxweyne Xasan Shiikh
Next articleDalalka Ruushka iyo Ukraine oo iska bur-biriyay Kaabayaasha Dhaqaale ee Muhiimka