Home Wararka Maanta Fiqi oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Mareykanka(Sawiro)

Fiqi oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Mareykanka(Sawiro)

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed ayaa maanta caasimadda Muqdisho kaga guddoomay nuqul kamid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo Safiirka cusub ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Richard H. Riley.

Wasiir Fiqi ayaa yididdiilo u muujiyay Danjire Riley, isaga oo u rajeeyay in uu ku guulaysto howsha diblomaasiyadeed ee cusub iyo mas’uuliyadaha loo igmaday.

Sidoo kale waxaa uu caddeeyay muhiimadda gaarka ah ee howsha danjiraha laga sugayo inay tahay xoojinta xiriirka iyo sare u qaadidda wax wadaagga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka, iyadoo diirrada la saarayo suuragalnimada ka guul keenidda horumar wax ku ool ah oo laga gaaro dhammaan dhinacyada kala duwan ee iskaashiga.

Danjire Riley oo dabayaaqaddii March uu madaxweynaha Mareykanka Joe Biden u magacaabay inuu noqdo safiirka cusub ee Soomaaliya, ayaa waxa uu beddelay Larry André Jr. oo xilkan hayey ku dhowaad laba sano.

Larry André Jr ayaa waxaa lasoo magacaabay 16-kii April 2021, isaga oo beddelay Donald Yamamoto.

Richard Riley waa diblomaasi muddo kasoo shaqeynayey wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka. Waxa uuna hayay markii la magacaabayay xilka la-taliyaha arrimaha dhaqaalaha ee safaaradda Mareykanka ee magaalada Ottawa ee dalka Canada.

Mareykanka ayaa sanadihii ugu dambeeyey ahmiyad gaar ah siinayey Soomaaliya, ayada oo 2-dii October 2019 dib loo furay safaaradda Muqdisho oo xirneyd ku dhowaad 30 sano.

Mareykanka ayaa tababara islamarkaana bixiya mushaharka ciidamada Danab ee Soomaaliya ee la dagaalama kooxda Al-Shabaab, lana rumeysan yahay inay yihiin ciidamada ugu waxtarka fiican kuwa Soomaaliya ay hadda leedahay.

Ad
Previous articleCiidamada ATMIS oo Guud ahaan Baneeyey Saldhigyadoodii Jowhar(Sawiro)
Next articleXildhibaanadii Dhawaan lagu Afduubtay Nairobi oo Hadlay