Home Wararka Maanta Fiqi oo shaacisay qodobka fashiliyey wada-hadalkii ay Ankara kula gashay Itoobiya

Fiqi oo shaacisay qodobka fashiliyey wada-hadalkii ay Ankara kula gashay Itoobiya

0

Qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo faahfaahin looga bixiyey waxahadalka la sheegay in Soomaaliya iyo Itoobiya uu u bilowday ayaa lagu sheegay in Dawladda Turkiga ay magaalada Ankara ku casuuntay wafuud kala matalaysa Soomaaliya iyo Ethiopia, si looga wadahadlo xiisadda taagan.

“Kulamada labada dhinac ma ahayn kuwa fool ka fool ah, maadaama ay Dawladda Soomaaliya meel adag ka taagantahay qadiyadda la xiriirta ilaalinta midnimada iyo madax-banaanida Qaranka, inkastoo gabagabadii shirka ay goobjoog ka wada ahaayeen labada wafdi warmurtiyeedka wadajir ah oo uu soo jeediyey dhexdhexaadiyaha wasiirka arrimaha dibedda dalka Turkiga,” ayaa lagu yiri qoraalka DF.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in kulankaan uu ahaa kii koowaad, isla markaana lasoo gabangabeeyey, waxaana lagu balamay wareeg labaad oo wadahadal ah labada September 2024, in kastoo aan la cadeyn sida uu u dhacayo wadahadalka dambe, maadaama kan la isku fahmi waayey.

“Wadahadalka ayaa si weyn loogu kala aragti duwanaa. Gaar ahaan Dawladda Soomaaliya oo mawqifkeedii hore ee ahaa in Dawladda Ethiopia ay ka noqoto MOU-gii sharci darrada ahaa ku adkaysatay iyo in aan wax gorgortan laga galeyn ilaalinta Madaxbanaanida dhuleed ee Dalkeenna oo u ah dawladda Soomaaliya lama taabtaan,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Dawladda Soomaaliya ayaa si weyn ugu mahadcelisay Dawladda Turkiga oo sida qoraalkana lagu sheegay kaalin wanaagsan ka qaadatay xasiloonida Geeska Afrika – saaxiibka ugu weyn ee Turkigu Geeska Afrika ku leeyahay waxaa lagu tilmaamaa Soomaaliya.

Markii kulanka lagu kala tegay ayaa waxaa warbaahinta la hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkey oo ay garbihiisa taagan yihiin wasiirrada dhiggiisa ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Wasiir Hakan Fidan ayaa sheegay in kulamadu ay sii socon doonaan, dibna la isugu soo laaban doono labada bisha September ee sannadkan 2024.

Itoobiya ayaa cadaadis la kulmeysay tan iyo markii ay heshiiska la saxiixatay Somaliland, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa abuurtay xiisad diblumasiyadeed oo adag, taas oo Itoobiyaanka ku kallifay inay raadiyaan dowlado wadahadashiiya iyaga iyo Soomaaliya.

Ad
Previous articleXasan Sheekh oo ka hadlay wadahadalka la sheegay in ay u furmeen DF iyo Shabaab
Next articleSomaliland oo walaac ay qabto u gudbisay dowladda Turkiga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here