Home Wararka Maanta Fiqi oo Amaanay Qurbajoogta Soomaaliyeed Weerarayna Qorax joogta Soomaaliyeed

Fiqi oo Amaanay Qurbajoogta Soomaaliyeed Weerarayna Qorax joogta Soomaaliyeed

0

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta ka furmay shirka maalgashiga qurbe-joogta Soomaaliyeed oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Dibedda, gaar ahaan waaxda Jaaliyaddaha Qurbe-joogta.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qayb-galay madax ka kala socotay Haya’addaha dowladda, ganacsato iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo khudbad ka jeediyay madasha ayaa sheegay in qurbe-joogtu kaalin xooggan ka geysteen maalgashiga dalka, koboca nolosha bulshada iyo difaaca dalkaba.

Sidoo kale wasiirka ayaa is barbar-dhig ku sameeyay qurbe-joogta iyo dadka gudaha ku sugan, gaar ahaan kaalintood ku aadan wax qabadka iyo dowladnimada.

“Qurba-joogta dad badan ayaa eedeeya oo yiraahdo anshax xumo ayay nagu soo kordhiyeen wiil jeego xiiran baa la keenay, gabar saas ahaa timid, laakiin qurba-joogta Soomaaliyeed waa kuwo laf dhabar u ah bulshada Soomaaliyeed” ayuu kusii daray.

Fiqi oo ka hadlayay dadka ku sugan gudaha dalka ayaa sheegay in qaarkood ay is qarxiyaan, ayna dilal ka gaystaan masaajida hortood, sida uu hadalka u dhigay.

“Dakla gudihiisa ayaa laga helayaa kuwii joogay ayaa maanta s qarxinaya oo ma aragtay masaajid hortiis wax ku dilaya, laakiin lama dhihi karo waxaa xun dadka dalka jooga oo dhan,” ayuu sii raaciyay.

Hadalkan ayaa dhaliyay falcelin xoogan, wuxuuna si wayn u qabsaday baraha bulshada Internet-ka oo siyaabo kala duwan loogu falanqeeyay hadalka wasiirka.

Dowlada Mareykanka oo Sabab u Noqotay Xil ka badelka lagu Sameeyay Wasiirka Gaashaandhigga

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa isku shaandheyn iyo is beddel ku sameeyay qaar kamid ah golihiisa Wasiiradda, waxa uuna xilka ka qaaday kana saaray meesha labo Wasiir,

Raisal Wasaare Xamze oo Magacaabay Wasiiro Cusub Kadib Isku Shaadheyn uu Sameeyay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamze Abdi Barre ayaa maanta magacaabay xubnahan cusub ee Wasiirrada ee Xukuumadda JFS ee kala ah: 1. Md. Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi –

Kooxda Xisbullah oo weerar khasaaro geesatay ka fulisay gudaha Suuriya

Dagaallamayaal katirsan ururka Shiicada ee Xisbullaah , ayaa lagu soo waramayaa in gudaha u galeen qeybo kamid ah dalka Suuriya, waxa ayna kooxdan weerar ku qaadeen goob ay joogeen ciidamo

Meydka Nin la weysanaa Mudo oo laga helay hotel ku yaalla Muqdisho

Nin muddo labo Maalin ah la weysanaa ayaa Meydkiisa laga helay qol uu ka deganaa Hotelka Mansoor oo ku yaalla Nawaaxiga Isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho. Marxuumka ayaa lagu sheegay

Madaxweynaha Turkiga oo Saddex Qodob kala hadlay dhigiisa Mareykanka Trump

Madaxweynayaasha dalalka Mareykanka iyo Turkiga ayaa yeeshay wadahal dhinaca telfoonka ah, waxa ayna labada masuul kawada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ugu horreeyaan xoojinta xiriirka labada dal ka dhaxeeya
Ad
Previous articleMa Dhab baa in Dowlada Soomaaliya Lagu qasbay inay ka Laabato Go,aankii Dalka Looga Saaraayay UNSOM?
Next articleXiisad Culus oo Ka Dhextaagan Beelaha Laylkase iyo Sacad oo Dhawaan gaalkacyo lagu Heshiisiiyay