Baarlamaanka dalka Finland, ayaa maanta u codeeyey in la kordhiyo sharciga deg-degga ah, kaas oo u ogolaanaya waddanka Waqooyiga Yurub inuu diido codsiyada magan-gelyo ee dadka soogalootiga ah ee ku sugan xuduudka bari ee uu la leeyahay Ruushka, isla markaana dib loogu celiyo.
Finland ayaa xirtay dhammaan goobaha rakaabka laga gudbo ee 1,340-km (833-mile) ee xadka bari ee dheer ee ay la wadaagto Ruushka tan iyo dhammaadkii 2023, ka dib markii ay ku eedeysay Ruushka isku day uu ku doonayo inuu xasillooni darro Finland ugu diro muhaajiriin ka yimid Afrika iyo Aasiya.
eedeynta Moscow ayaa beenisay .
Sanadkii 2023, ilaa 1,300 oo muhaajiriin ah ayaa soo galay Ruushka , taasoo keentay in dowladda 2024 ay soo saarto sharci deg deg ah oo u ogolaanaya inay diido muhaajiriinta iyo codsiyadooda magangalyo, taasoo ka soo horjeeda xeerarka EU iyo ballanqaadyada caalamiga ah ee Finland, muddo hal sano ah.
Xukuumadda garabka midig ee Finland ayaa baarlamaanka ka codsatay in lagu kordhiyo muddada sharciga degdegga ah 1.5 sano illaa dhammaadka 2026, taas oo baarlamaanku ku ansixiyay 168 xubnood halka 29 ay ka soo horjeesteen Arbacadii.
Wararka ugu Danbeeyay ee Maanta
Ad