Finland ayaa joojisay wadashaqeyntii horumarineed ee ay ka wadey Soomaaliya, kadib markii Soomaaliya diidey aqbalka dib u celinta muwaadiniinta ku sugan Finland, waxaa sidaas shaaciyey wasiirka ganacsiga iyo horumarinta Ville Tavio.
Wasiirka ayaa sheegay in barnaamijka xukuumadda wadaaga ah Finland, sida uu qabo iskaashiga horumarinta Finland uu ku xiran yahay heshiiska ah in ay waddamadu oggolaadaan inay muwaadiniintooda dib loogu soo celin karo, taas oo muujineysa in la isku xirey deeqda iyo aqbalaada muwaadiniinta sharciga loo diido ama si kale Finland u dooneyso in Soomaaliya lagu celiyo.
Sida laga soo xigtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, wada-shaqeynta Soomaaliya ee dib u celinta ayaan u dhicin sidii la filayay.
Sida uu sheegay Tavio, iskaashiga dib-u-celinta waxaa loola jeedaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee aan haysan sharciga degenaanshaha Finland.
Tavio ayaa ka gaabsaday in uu sheego tirada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee sidaan oo kale ah ee horey looga eryay Finland.
Laga billaabo sanadka soo socda 2025, 8-9 milyan oo Yuuro ayaa loo qoondeeyay iskaashiga horumarinta laba geesoodka ah ee u dhexeeya Finland iyo Soomaaliya, taas oo hadda la joojiyey.