Guddoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe, ayaa Madaxweyne Biixi ku dhalliilay khudbad sannadeedkii uu shalay ka jeediyey baarlamanka Somaliland.
Feysal Cali Waraabe ayaa ku eedeeyey madaxweynaha inuu shalay jeediyey Khudbad aan laga filayn oo lagu burburinayo Somaliland.
“Lama filayn maanta inuu jeediyo khudbad la macno ah is dila, halka aynu doonayno inuu dalkeenu midoobo oo huwanta dalka soo weerartay gacmaha iska qabsano, oo khilaafka gudaheena aan xalino, oo uu horseed ka noqdo ilayn kursigii madaxweymaha ayuu fadhiyaaye ” ayuu yiri Waraabe.
Madaxweynaha ayuu sheegay inuu xisbiyada ku tilmaamay ururo, isla markaana haddii xisbiga Kulmiye urur noqday aanay suuragal ahayn in madaxweyne uu matalo Urur.
Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in cid kasta oo taageersan Madaxweyne Biixi ay ka qayb qaadanayso burburinta Somaliland, wuxuuna sheegay in loo bahanyahay in madaxweynaha xilka laga qaado.