Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo saaray baaq taageero ah oo ku wajahan ciidamada qaranka ee dagaalka kula jira maleeshiyada Al-Shabaab.
Farmaajo ayaa qoraal uu soo dhigay Facebook ku sheegay inay waajib tahay in la garab istaago ciidanka xoogga dalka, si aan u xaqiijinno dalkeenna oo xor ka ah argagixisada.
Hadalkiisa ayaa kusoo aadaya xilli taageerayaashiisa ay maalmihii dhowaa u rayaaqayeen guuldarrooyinka ciidanka soo gaaray, si ay ugu xumeeyaan dowladda madaxweyne Xasan Sheekh oo ay qabyalaad darteed ku diidan yihiin.
Hoos ka aqriso qoraalka Farmaajo.#
Dagaalka Ciidamadda Qalabka Sida oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed ay kula jiraan kooxda argagixisada dhiig-miiratada ah ee Alshabaab, waa waajib qaran oo ay tahay in aynu ka wada qeyb-qaadanno dhamaanteen maadama uu taabanayo qarannimadeenna iyo jiritaankeenna ummadeed.
Howl-galadda dalkeenna looga xoreynayo argagixisada inoo diiddan nolasha, amniga iyo horumarka waa qorshe qaran oo soo socday dhowr iyo tobonkii sano ee u danbaysay, waxaana waajib ah in la garab istaago ciidanka xoogga, si aan u xaqiijinno dalkeenna oo xor ka ah argagixisada.
Waxaan ugu baaqayaa muwaadin kasta oo Soomaaliyeed in uu garab istaago halganka xoreynta dalka kana qeybqaato dhiiri-galinta iyo kor u qaadista moraalka geesiyaasha qaranka, maadaama isku duubnida ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay fure u tahay guulaha dagaalka lagula jiro argagixisada.
Alle ha u naxariisto halyeeyada naftooda u horey in dalkeenna ay ka xoreeyaan argagixisada, halyeeyada kale ee dhaawacyadu ka soo gaareenna waxaan Allaah uga baryayaa caafimaad iyo kabasho degdeg ah.


