Home Wararka Maanta Farmaajo oo Si wayn uga Soo Horjeestay Arin Xasan Shiikh ku Kacay

Farmaajo oo Si wayn uga Soo Horjeestay Arin Xasan Shiikh ku Kacay

0

Farmaajo ayaa Soo Saaray Digniintaan oo kusocota Dowlada uu Hogaamiyo Xasan shiikh.

Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaan uga digaynaa hirgelinta qorshaha la xiriira in dal shisheeye ay ku wareejiyaan maamulka hawada Soomaaliyeed, taas oo ah tallaabo dhaawacaysa qarannimada iyo madaxbannaanida Soomaaliyeed.

Gacan ku haynta maamulka hawadu waa arrin taabanaya amniga Qaranka iyo madaxbannaanida dalkeenna, damaca haatan socoda ee Imaaraadka Carabta loogu wareejinayona waxa uu dib u celinayaa dadaallada naf hurka ahaa ee dib u dhiska dowladnimada Soomaaliyeed.

Soo celinta hawada dalkeenna waxaa lagu bixiyey dadaal ay hureen khubaro Soomaaliyeed, hanti iyo qorsheyaal diblumaasiyeed oo adag, waxaana nasiib darro ah in dano shakhsi ah oo aan laga fiirsan awgeed maanta loo burburiyo dhaxalkaas ay wadaagaan shacabka Soomaaliyeed.

Qalabka casriga ah ee yaalla garoommada iyo xarunta maamulka hawada Soomaaliyeed iyo khubarada waddaniga ah ee ku shaqaysa oo sannado koobaan dalkeenna ku gaarsiiyey heerka ugu sarreeya ee Class A ee dhanka hawada waxay caddayn u tahay in aysan jirin baahi loo qabi karo in shirkado iyo dalal shisheeye ay la wareegaan maamulka hawadeenna.

Liiska Wadamada laga Mamnuucay Galitaanka Dalka Mareykanka oo lasoo Bandhigay

Sida ku xusan qorshe ay diyaarisay Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ee liiska casaanka ah, Mas'uuliyiinta dalkaasi ayaa qorsheynaya inay adkeeyaan sharciyada gelitaanka muwaadiniinta dhowr waddan oo Carbeed, sida ay sheegtay

Magaalada Berbera Wiil Dhallinyaro ah oo Jaceyl Dartiis Dab isku Qabadsiiyay

Wiil dhallinyaro ah oo ku nool magaalada Berbera ee Somaliland ayaa dab is qabadsiiyay, kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo gabadh uu jacayl ka dhexeeyay Jimcihii shalay.

4 Qof oo ugu geeriyootay Xanuun aan la ogeyn Gobolka Karkaar ee Puntland

Wararka ka imaanaya Degmada Rako Raaxo oo ka tirsan Gobolka Karkaar ee Puntland ayaa sheegaya in uu halkaasi ka dilaacay Xanuun safmara oo aan weli la aqoonsan si deg deg

Maxaa Keenay cabsida laga qabo in uu Dagaal ka dhex qarxo Itoobiya iyo Ereteriya?

Kadib muddo dhowr sano ah oo laga nastay xurguftii muddada dheer ka dhexaysay Itoobiya iyo Ereteriya, mar kale dhinacyada ayaa isku hub urursanaya, iyada oo laga cabsi qabo in dagaal

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo
Ad
Previous articleXildhibaanadii Taageeray Itooboya oo Xasaanada Laga Qadaayo iyo Aadan madoobe oo..
Next articleCiidamada Macawislayda oo Ka Baxay Guud ahaan Magaalada xarardheere