Madaxweynaha federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay shaaciyay in uu yahay musharax madaxweyne oo markale u taagan xilkaasi, isaga oo tibaaxay in codsi uga yimid shacabka awgiis uu go’aankaas u gaaray.
Madaxweyne Farmaajo ayaa shacabka ka codsaday in ay xildhibaanada ka codsadaan in ay codkooda isaga siiyaan. Wuxuu sheegay in xildhibaan kasta uu metelo 60 kun oo qof.
Arrintan ayaa waxa ay soo gunaanadday hadal hayn maalmahan socotay oo ku saabsanayd in uu markale isa soo taagayo iyo inkale.
Doorashada madaxweynenimada Soomaaliya ayaa loo madlanyahay 15-ka bishan May, iyada oo maalintii koowaad ee is diiwaangalinta ay shahaadada qaateen illaa 10 musharax.
Liiska Wadamada laga Mamnuucay Galitaanka Dalka Mareykanka oo lasoo Bandhigay
Sida ku xusan qorshe ay diyaarisay Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ee liiska casaanka ah, Mas'uuliyiinta dalkaasi ayaa qorsheynaya inay adkeeyaan sharciyada gelitaanka muwaadiniinta dhowr waddan oo Carbeed, sida ay sheegtay
Magaalada Berbera Wiil Dhallinyaro ah oo Jaceyl Dartiis Dab isku Qabadsiiyay
Wiil dhallinyaro ah oo ku nool magaalada Berbera ee Somaliland ayaa dab is qabadsiiyay, kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo gabadh uu jacayl ka dhexeeyay Jimcihii shalay.
4 Qof oo ugu geeriyootay Xanuun aan la ogeyn Gobolka Karkaar ee Puntland
Wararka ka imaanaya Degmada Rako Raaxo oo ka tirsan Gobolka Karkaar ee Puntland ayaa sheegaya in uu halkaasi ka dilaacay Xanuun safmara oo aan weli la aqoonsan si deg deg
Maxaa Keenay cabsida laga qabo in uu Dagaal ka dhex qarxo Itoobiya iyo Ereteriya?
Kadib muddo dhowr sano ah oo laga nastay xurguftii muddada dheer ka dhexaysay Itoobiya iyo Ereteriya, mar kale dhinacyada ayaa isku hub urursanaya, iyada oo laga cabsi qabo in dagaal
Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo
Ad