Home Wararka Maanta Farmaajo oo gaaray Afisyoone iyo Wararkii ugu Dambeeyay ee Doorashada

Farmaajo oo gaaray Afisyoone iyo Wararkii ugu Dambeeyay ee Doorashada

0

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo sidoo kale kamid ah Musharaxiinta u taagan xilka madaxweyne ayaa goordhoweyd gaaray goobta ay ka dhaceyso doorashada ee xarunta ciidanka Cirka ee Afisyoone.

Teendhada Afisyoone ayaa waxa si rasmi ah uga bilaaban doonta doorashada ayada oo halkaas ay ku sugan yihiin saacadihii u dambeeyay qaar kamid ah Xildhibaanada labada aqal.

Sidoo kale musharaxiinta u taagan xilka madaxweyne iyo xubnaha guddiga qaban-qaabada doorashada ee labada Gole ayaa ku sugan hoolka, iyaga oo kala qaabeynaya howlaha socda ee doorashada madaxweynaha.

Warbaahinta iyo marti sharaf kale ayaa sidoo kale loo ogolaaday goobta, si ay goob joog uga noqdaan doorashadan oo ay ku loolami doonaan illaa 35 musharrax madaxweyne.

Dhinaca kale, waxaa xiran dhammaan waddooyinka caasimada, ayada oo hakad la geliyey dhaq-dhaqaaqa dadka, gaadiidka iyo ganacsiga, kadib bandow ay soo rogtay dowladda.

Doorashada Soomaaliya oo maanta la dhammeystirayo ayaa qaadatay muddo ka badan hal sano, kadib khilaafaad soo kala dhex-galay dowladda dhexe, maamullada iyo mucaaradka.

Dowlada Mareykanka oo Sabab u Noqotay Xil ka badelka lagu Sameeyay Wasiirka Gaashaandhigga

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa isku shaandheyn iyo is beddel ku sameeyay qaar kamid ah golihiisa Wasiiradda, waxa uuna xilka ka qaaday kana saaray meesha labo Wasiir,

Raisal Wasaare Xamze oo Magacaabay Wasiiro Cusub Kadib Isku Shaadheyn uu Sameeyay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamze Abdi Barre ayaa maanta magacaabay xubnahan cusub ee Wasiirrada ee Xukuumadda JFS ee kala ah: 1. Md. Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi –

Kooxda Xisbullah oo weerar khasaaro geesatay ka fulisay gudaha Suuriya

Dagaallamayaal katirsan ururka Shiicada ee Xisbullaah , ayaa lagu soo waramayaa in gudaha u galeen qeybo kamid ah dalka Suuriya, waxa ayna kooxdan weerar ku qaadeen goob ay joogeen ciidamo

Meydka Nin la weysanaa Mudo oo laga helay hotel ku yaalla Muqdisho

Nin muddo labo Maalin ah la weysanaa ayaa Meydkiisa laga helay qol uu ka deganaa Hotelka Mansoor oo ku yaalla Nawaaxiga Isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho. Marxuumka ayaa lagu sheegay

Madaxweynaha Turkiga oo Saddex Qodob kala hadlay dhigiisa Mareykanka Trump

Madaxweynayaasha dalalka Mareykanka iyo Turkiga ayaa yeeshay wadahal dhinaca telfoonka ah, waxa ayna labada masuul kawada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ugu horreeyaan xoojinta xiriirka labada dal ka dhaxeeya
Ad
Previous articleShiikh Shaakir iyo Saraakiishii Ugu Sareeyey Ahlusuna oo Xogtooda lahelay Xagee Ku Danbeyeen(Akhriso)
Next articleSaddex Musharax oo isaga haray Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya (Magacyada)