Home Wararka Maanta Farmaajo oo Fursad Waali ah ka Dhex Helay Shirkii Qurba Joogta ee...

Farmaajo oo Fursad Waali ah ka Dhex Helay Shirkii Qurba Joogta ee Dooxa

0

Farmaajo ayaa ka faa’iideystay shirkii qurbajoogta Soomaaliyeed lagu qabtay magaalada Dooxa ee dalka Qatar, isagoo la kulmay siyaasiyiin iyo aqoonyahano saameyn leh oo lagu tirinayey dhanka Xasan Sheekh.

Farmaajo ayaa sawirro lasoo galay qaar kamid ah dadka uu ku qaabilay Dooxa, wuxuuna muujiyey in olole dib u doorasho uu sii bilaabay, dadka qaar ayaa la yaabay xubnaha isla soo sawiray Farmaajo oo markii hore aad uga aragti duwanaa.

Arrinta la yaabka leh waa in rag masuuliyiin ah oo aad ugu dhow Xasan Sheekh oo qaarkood ka tirsan xukuumadiisa ay Farmaajo u geeyeen dadka saameynta leh ee Dooxa uu kula kulmay.

Xasan Sheekh ayaa deg-deg u lumiyey miisaan siyaasadeed oo culus, taas oo soo dedejisay in Farmaajo uu helo garbo siyaasadeed, iyadoo la xusuusan yahay heerkii uu joogay markii uu Xasan Sheekh uga guuleystay xukunka.

Inkastoo xogtaan aysan aad u soo shaac-bixin, hadana ilo lagu kalsoonyahay ayaa Caasimada Online u sheegay inay jiraan siyaasiyiin Xasan Sheekh aad ugu dhowaa oo hadda si hoose ula shaqeynaya Maxamed Farmaajo.

Xasan ayaa hadda ku jira sanadkii 3-aad ee muddo xileedkiisa, maalinba maalinta ka dambeysa waxaa soo muuqanaysa in si ogaal iyo ula-kac ah looga maarmayo dhammaan wixii mawaaqif iyo mabaadii ahaa ee shalay lagu ololeeyay ee bulshada laga iibiyay.

Arrinta Dooxa waxay muujineysaa waxyaabaha la filan karo dhowrka bilood ee soo socota, waxaana garabka Xasan Sheekh tartiib uga sii baxaya siyaasiyiin saameyn leh, oo garan waayey cidda qaadaneysa macaashka dowladii ay soo dhisteen.

Ad
Previous articleAxmed Madoobe oo Booqday Ciidamadii Alshabaabkii Ugu Badnaa Dhawaan Laayay(Sawiro)
Next articleMidowga Yurub Oo soo jeediyay in Soomaalida lagu adkeeyo Visaha Dal ku galka