Home Wararka Maanta Farmaajo iyo Xassan Shiikh oo iskugu soo haray Wareega Finalka ee Doorashada

Farmaajo iyo Xassan Shiikh oo iskugu soo haray Wareega Finalka ee Doorashada

0

Waxaa la guda galay codeynta wareega ugu dambeeya doorashada Madaxweynaha Somalia ee ka socota magaalada Muqdisho.

Sida guddoonka Baarlamanku sheegay waxaa wareeegan ku loolamaya labada musharax ee kala ah Xassan Shiikh Maxamuud iyo Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ahaa kuwii ugu codka badnaa wareegii labaad.

Labada musharax ayaa waxay ku kala bixi doonaan cod hal dheeri ah oo la mid ah musharaxii hal cod ka bata kan kale ayaa guusha la hoyan doona.

Farmaajo ayaa mar kale hogaamin doona afar sano waa hadii uu guuleysto, balse hadii uu guuldareysto waxaa uu xilka ku wareejin doonaa madaxweynihii xilka ka wareejiyey shan sano ka hor oo ah Xassan Shiikh Maxamuud oo sidoo kale noqonaya madaxweynihii ugu horeeyey Somalia ee talada ku soo laabta laba jeer.

Dhinaca kale. Tacshiirad xoogan ayaa goor dhow ka bilaabatay magaalada Muqdisho wax yar ka dib markii la shaaciyey in wareega ugu dambeeya ee doorashada Madaxweynaha ay u gudbeen labada musharax ee kala ah Xassan Shiikh Max’uud iyo Maxamed C/laahi Farmaajo.

Rasaasta dhaceysa ayaa la sheegayaa iney tahay mid hordhac ah oo loogu dabaalddegayo musharaxa Xassan Shiikh inkastoo uusan weli ku guuleysan xilka welina ay socoto codeynta wareegii ugu dambeeyey.

Waxaa xiran dhamaanba jidadka magaalada Muqdisho oo haawanaya kaliya ciiidamada amaanka ayaa taagan meelaha qaar kuwaasoo ilaalinaya bandowga xalay lagu soo rogay magaalada

LA SOCO WIXII SOO KORDHA..

Dowlada Mareykanka oo Sabab u Noqotay Xil ka badelka lagu Sameeyay Wasiirka Gaashaandhigga

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa isku shaandheyn iyo is beddel ku sameeyay qaar kamid ah golihiisa Wasiiradda, waxa uuna xilka ka qaaday kana saaray meesha labo Wasiir,

Raisal Wasaare Xamze oo Magacaabay Wasiiro Cusub Kadib Isku Shaadheyn uu Sameeyay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamze Abdi Barre ayaa maanta magacaabay xubnahan cusub ee Wasiirrada ee Xukuumadda JFS ee kala ah: 1. Md. Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi –

Kooxda Xisbullah oo weerar khasaaro geesatay ka fulisay gudaha Suuriya

Dagaallamayaal katirsan ururka Shiicada ee Xisbullaah , ayaa lagu soo waramayaa in gudaha u galeen qeybo kamid ah dalka Suuriya, waxa ayna kooxdan weerar ku qaadeen goob ay joogeen ciidamo

Meydka Nin la weysanaa Mudo oo laga helay hotel ku yaalla Muqdisho

Nin muddo labo Maalin ah la weysanaa ayaa Meydkiisa laga helay qol uu ka deganaa Hotelka Mansoor oo ku yaalla Nawaaxiga Isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho. Marxuumka ayaa lagu sheegay

Madaxweynaha Turkiga oo Saddex Qodob kala hadlay dhigiisa Mareykanka Trump

Madaxweynayaasha dalalka Mareykanka iyo Turkiga ayaa yeeshay wadahal dhinaca telfoonka ah, waxa ayna labada masuul kawada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ugu horreeyaan xoojinta xiriirka labada dal ka dhaxeeya
Ad
Previous articleTirinta codadka Wareega labaad oo dhamaatay iyo Wareeg Sadexaad oo loo Gudbay
Next articleXasan Shiikh Maxamuud oo mar labaad loo Doortay Madaxweynaha Soomaaliya