Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in sarkaal Faransiis ah uu ku dhintay weerar ka dhacay gobolka Erbil ee dalka Iraq.
Macron ayaa sheegay in Sarkaal Arnaud Freon uu “u dhintay Faransiiska” intii lagu guda jiray weerarka lagu qaaday ciidamada Faransiiska ee ku sugan halkaas. Wuxuu sidoo kale xaqiijiyay in askar kale oo Faransiis ah ay ku dhaawacmeen isla weerarka.
Madaxweynaha Faransiiska ayaa ku tilmaamay weerarka mid aan la aqbali karin, isagoo sheegay in ciidamada Faransiiska ay sii wadi doonaan howlahooda militari ee ka dhanka ah kooxaha hubeysan ee gobolka.
Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan cidda ka dambeysay weerarka iyo xaaladda askarta dhaawacantay ayaa weli la sugayaa, iyadoo mas’uuliyiinta Faransiiska iyo kuwa Ciraaq ay wadaan baaritaan ku saabsan dhacdadan.



