Waxaa la soo werinayaa in tiro dad Eriteriyaan ah la helay iyaga oo si halis leh ugu dhuumanaya gaari qaboojiye ah oo khudaar daabulayey.
Dadkan Eriteriyaanka ah oo tiradooda lagu sheegay 15 qof oo uu ku jiro ilmo yar ayaa ku dhuumaalaysanayay gaari qaboojiye ah, waxayna ku sii jeedeen dalka Ingiriiska, ayagoo ka yimid Faransiiska, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Faransiiska ee AFP.
Qaxootiga Eriteriyaanka ah ayaa laga helay qeybta qaboojiyaha ee gaariga Sabtidii, waxaana darawalka gaariga uu sheegay inay u waceen qabowga daran awgiis.
Wakaalada wararka ayaa sheegtay in xirfadlayaal caafimaad oo Faransiis ah ay gargaar caafimaad u fidiyeen dadka sharci darada ah ee la ildaran qabowga daran.
Gaarigan khudaarta siday oo u rarnaa dalka Ingiriiska ayaa ku hakaday waqooyiga Faransiiska markii uu darawalku sheegay in uu maqlay oohin iyo qaylo ka dibna uu farriin u diray maamulka deegaanka.
Warbixin ay soo saartay wakaalada wararka ee AFP ayaa lagu sheegay in darawalkii waday gaariga xamuulka ah ee siday khudaarta barafaysan oo ay ku dhex dhuumanayeen dadka Eriteriyaanka ah aysan boolisku baarin.