Home Wararka Caalamka Faransiiska oo gaareya Denmark si Mareykanka uusan u qabsan Jasiirada Greenland

Faransiiska oo gaareya Denmark si Mareykanka uusan u qabsan Jasiirada Greenland

0

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump, ayaa marar badan ku celiyay in uu doonayo in Mareykanka ku biito Jaziiradda Greenland ee hoostagta Denmark, taas oo caro badan dhalisay si weyna uga soo horjeedo dowladda Denmark.

Ciidamo badan oo katirsan milatariga Denmark ayaa la geeyay Jaziiradda Greenland , si ay uga hortagaan in Mareykanka halkaasi qabsado, waxa ay sidoo kale dowladda Denmark raadineysaa taageerada dowladaha Yurub si looga difaaco dulmiga uu Trump ku wado.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Faransiiska, Jean-Noël Barrot ayaa sheegay in Faransiisku uu kala hadlay Denmark, suurta galnimada in ciidamo la geeyo Greenland, si looga hortago hanjabaada Trump ee la xiriirta inuu doonayo inuu Greenland ku biiriyo Mareykanka.

Waxa uu sheegay Wasiirka , in dhankooda diyaar u yihiin in ay taageero milatari siiyaan Denmark haddii ay dalbadaan, waxa uuna intaa raaciyay in dowladda Denmark, ka gaabsatay hab militari inay Yurub u joojiso damaca Madaxweyne Trump.

Qaar kamid ah waddamada kale ee Yurub, ayaa sidoo kale taageero iyo garab istaag u muujiyay dowladda Denmark oo hadda wajaheysa cadaadis kaga imaanaya Madaxwenaha Mareykanka Trump, oo doonaya in Mareykanka ku biiriyo Jaziiradda Greenland.

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka

Abaaraha ka jira Puntland oo Saameyn ku yeeshay 800,000 oo qof oo Halkaaasi ku Nool

Ku dhawaad 800,000 oo qof oo ku nool Puntland ayaa wajahaya xaalado nololeed oo aad u liidata, taasoo ka dhalatay roob la’aantii ka dhacday xilligii Deyrta 2024 iyo saadaasha roob

Doonyo Hub u siday Kooxda Shabaab oo lagu bur-briyay Duqeymo Cirka ah

Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo kaashanayay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa 15-kii Abriil 2025 duqeyn cirka ah ka fuliyay gudaha Soomaaliya, si loo burburiyo hub casri ah oo saarnaa dooni

Dowlada Somaliya oo Sheegtay in 35 Xubnood onShabaab ah lagu dilay Hawlgal ka Dhacay Gobolka Bay

In ka badan 35 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal culus oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed.
Ad
Previous articleDowlada UK oo soo Jeediyay in Somaliland iyo SSC Khaatumo ay Maxaabiista is waydaarsadaan
Next articleMadaxweyne Xasan Shiikh “Dadkayagu 50% ma haystaan Koronto ku filan