Home Wararka Maanta Faransiiska iyo Jabuuti oo heshiis iskaashi militari kala saxiixday. hadaba maxuu yahay...

Faransiiska iyo Jabuuti oo heshiis iskaashi militari kala saxiixday. hadaba maxuu yahay waxa ay Jabuuti faa’ideyso heshiiskan?

0

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron iyo dhiggiisa Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Talaadadii ku heshiiyey in dib loo cusboonaysiiyo iskaashiga dhanka difaaca ee labada dal, kaddib wadahadallo laba sano socday.

Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Faransiiska, waxay saxiixeen heshiis ku saabsan “dib u habeynta heshiiska difaaca oo ay ku mideysan yihiin Faransiiska iyo Jabuuti.

Heshiiskan oo lagu saxiixay madaxtooyada Fransiiska ayaa ah mid quseeya qabakii loo maareeyn lahaa 1,500 oo askari oo Faransiis ah oo fadhigoodu yahay dalka yar ku yaal bariga Afrika.

Heshiiskan ma aha mid cusub ee waa heshiis ay labada dowladood dhowr mar oo hore dib u soo cusbooneysiiyay.

Heshiiska difaaca ayaa markii ugu horreysay la saxiixay 1977-kii markaasoo Jabuuti ay xorriyadda ka qaadatay Faransiiska , waxaana dib loo cusbooneysiiyay 2011-kii.

Dalku waxa uu ku yaalaa meel ka soo u dhaw dalka Yemen, una dhow badda cas, halkaas oo qayb weyn oo ka mid ah ganacsiga caalamiga ah ee Aasiya iyo Galbeedka uu mara.

Ciidamada Faransiiska ayaa dhawaan xiray saldhigyo ciidan oo ku yaala Mali iyo Niger ka dib afgambiyo militari oo ka dhacay labada dal, laakiin marnaba ma dhicin su’aal ah inay ka tanaasulaan Jabuuti, oo ah saldhigga ugu weyn ee Faransiiska ee dibadda.

Maxay tahay faa’idada Jabuuti ugu jirta heshiiskan?

Aadan Cumar Cabdillaahi, Agaasimaha Machadka Daraasaadka Siyaasadda iyo Istiraatiijiyadda ee Jabuuti ayaa sheegay in heshiiskan uu yahay mid labada dal-ba ay dan ku qabaan.

Waxaa uu xusay in Faransiiska uu u arko ciidamada Jabuuti ka jooga kuwa muhiimad gaar ah ugu fadhiya.

“Heshiiskan waa heshiis ay dan ku qabaan labada dal-ba, Faransiiska waxaa Jabuuti ka jooga 1,500 oo askari xarun militari ayuu ku lahaa 47 sano ee la soo dhaafay ee ay Jabuuti xorriyadda ahyad, danta Faransiiska waxaa weeye ragga halkan kaa jooga sharciga ay ku joogayaan muxuu yahay, sharcigaas ayayna ku dadaalayaan”, ayuu yiri Mr Aadan.

Aadan Cumar Cabdillaahi, ayaa dhanka kale sheegay in Jabuuti ay heshiiskan ka faa’ideyso in la sugo amniga badda cas iyo guud ahaan ammaanka gobolka.

Waxaa uu xusay in saldhigyada militari ee ay Jabuuti ku leeyihiin dalalka kala duwan ay dan ugu jirto guud ahaan amniga gobolka iyo badda cas.

“Jabuuti waxa ugu jiro waxaa weeye labo faa’ido ayaa ugu jirta tan ugu horeysa waa in ragaasi ay ka qeyb galaan amniga guud ee Jabuuti, badda cas iyo geeska Afrika, ” ayuu intaa ku daray.

Agaasimaha Machadka Daraasaadka Siyaasadda iyo Istiraatiijiyadda ee Jabuuti Aadan Cumar Cabdillaahi, ayaa sidoo kale qaba in saldhigyada ay Jabuuti ku leeyihiin dalalka shisheeye ay Jabuuti u soo jiideyso maalgashi caalami ah.

“Jabuuti ma ah dal sidaasi loo garanayo aduunyada waa dal yar oo dhaqaalo yar, dadkiisu ay yaryihiin mar jabuti tan waxay siinaysaa way muujinaysaa Jabuuti si ay u hesho maalgalino ajnabi ah iyo si ay u sii sugto jiritaankeeda” ayuu yiri.

Heshiiskan iskaashiga militari ee Jabuuti iyo Faransiiska ayaa ku soo begmaya xilli dhawaan ay dalalka Soomaliya iyo Turkiga ay ka saxixdeen heshiis iskaashi militari.

Ad
Previous articleWasiirkii Soomaaliga ahaa ee waardiyaha ka noqday Maraykanka iyo sheekada xiisaha leh ee ku gamaadan noloshiisa
Next articleSoomaaliland oo Digniin Udirtay Turkiga Sabab?