Home Wararka Maanta Fanaaniintii Soomaaliland ee Xamar Heesta Kusoo Caayay oo mushaarkii laga Jartay

Fanaaniintii Soomaaliland ee Xamar Heesta Kusoo Caayay oo mushaarkii laga Jartay

0

Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa mushaarkii ka jartay kooxda Dayax Band. Fananniinta kooxdan ayaa qaaday heestii ay Soomaalida sida weyn u dhibsadeen ee “Ma lihin cadow Xamar ka daran”.

Abwaan Daaha Gaas oo kooxdan maamula ayaa shaaciyay in mushaarkii laga jartay. Tallaabadan ayaa lala xiriirinaya in Fanaanniintan ay si dhow ula shaqeynayeen madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi, oo kalkiisi Madaxtooyadda Somaliland looga luuqeeyay heesta lagu weeraray reer Muqdisho.

Daaha Gaas oo soo saaray qoraal uga hadlayo arrintaan ayaa sheegay in uusan ku waayi karin xuquuqdiisa muwaadinimo inuu kasoo horjeeday xisbiga Waddani oo haatan tallada Somaliland haya, “In maanta fanaanniinta la kala reebo oo wasaarada war faafinta la yidhaahdo Dayax Band lama siinayo waa aargoosi iyo cadaawad fogaatay.”

Waxa uu intaas kusii daray “Ma baryootamayo tolaayeeyna odhan maayo. Madaxwayne qarankii aad lahayd waan u simanahay oo waa lay dhaariyay cadaaladii ma hayo anigu. Isku qoomamayn maayo inaan Muuse Biixi la socday, waan ku faraxsanahay. Ilaahay cidaan ahayna nin barya ma ahi, taasna meel ku qorta. Colaadina iguma jirin iyo cid nacayb, Cirro-na madaxweynahaygii buu noqday una malayn maayo ka ila dagaalamaya isaga inuu yahay laakiin way soo bixi.”

Go’aaankan looga jaray mushaarkii Fanaanniintan ayaa siyaabo kala duwan looga fal-celiyay, iyadoo dadka qaar ay ku tilmaameen mid loo baahna, halka kuwa kalena u arkaan taas bedelkeed.

Sidoo kalena waxa uu go’aankan kusoo aadaya, xilli ay maanta xukuumadda Somaliland ay gebi ahaanba magaalada Hargeysa ka joojisay bandhigyada iyo caweyska habeenkii.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Dagaalkii Qararaa ee Tan iyo Xalay kasocday Duleedka aadanyabaal
Next articleWararkii ugu danbeeyey Maleshiyaad ka Tirsan Leeylkase oo Gaalkacyo Dad ku laayay