Nin falastiin ah ayaa toogasho ku dilay laba Israa’iiliyiin ah oo ku sugnaa Daanta Galbeed ee la haysto sida ay sheegeen millatariga Israa’iil.
Labada nin oo kala ahaa aabbe iyo wiil uu dhalay ayaa lagu toogtay meel dhow goob baabuurta lagu dhaqo oo ku taal tuulada Huwara ee falastiiniyiinta.
Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay inay goobta ka baadigoobayaan ninka dilka geystay oo bastoolad ku hubeysnaa, waxayna jidgooyo ka sameysteen agagaarka goobta uu weerarku ka dhacay.
Adeegga ambalaasta ee Israa’iil ayaa xaqiijiyay in laba qof ay ku dhinteen toogashada.
Rabshadaha ka socda Daanta Galbeed ayaa ka sii dartay 15-kii bilood ee la soo dhaafay iyadoo weeraro joogto ah ay Israa’iil ku qaadayso waddooyinka Falastiin.
Israa’iil waxay ku qabsatay Daanta Galbeed dagaal ka dhacay 1967-kii, waxayna tan iyo markaas dhistay tobannaan deegaan oo ay dalalka intooda badan u arkaan sharci-darro,.
Falastiiniyiinta ayaa ismaamulkooda ku xaddidan daanta galbeed, waxayna weli u kala qaybsan yihiin maamul ay reer galbeedku taageeraan iyo Islaamiyiinta hubaysan ee Xamaas oo diidan wada noolaanshaha Israa’iil, halka qaar badan oo ka mid ah xukuumadda hadda jirta ee Israa’iil ay diidan yihiin dawladnimada Falastiin.