Agaasimihii hore ee hay’adda sirdoonka Soomaaliya, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, ayaa si adag u dhaliilay go’aanka dowladda federaalka Soomaaliya ay ugu codaysay qaraar ay Qaramada Midoobay ku cunaqabateyneyso Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, isagoo ku tilmaamay arrintaas “musuq siyaasadeed” oo ka hor imaanaysa danaha iyo mabda’a Soomaaliya.
Fahad oo qoraal dheer ku baahiyay bartiisa “X” (Twitter hore), ayaa sheegay inuusan filaynin in Soomaaliya oo muddo dheer la daalaa dhaceysay cunaqabateyn caalami ah ay garab istaagto qaraar si toos ah wax ugu dhimaya dal Muslim ah.
“Algeria iyo Pakistan waxay tuseen dunida in xiriirka reer Galbeedku uusan ka hor iman karin mabaadi’da iyo qiyamka Islaamka,” ayuu hadalkiisa raaciyay.
Sida uu Fahad ku sheegay qoraalkiisa, codbixinta Soomaaliya waxay muujinaysaa faham la’aan ku saabsan xiriirka caalamiga ah, danaha qaran iyo xisaabta juqraafiyeed ee gobolka, “Waa ceeb siyaasadeed, waana astaan muujinaysa in dowladda aysan lahayn faham sax ah oo ku saabsan saameynta go’aannadeeda diblumaasiyadeed,” ayuu yiri.
Fahad wuxuu sheegay in go’aankaasi uu dhaawacayo magaca Soomaaliya, islamarkaana uusan metelin damiirka shacabka Soomaaliyeed, Wuxuu xitaa raalli-gelin u diray shacabka Iran, isagoo sheegay in tani aysan ahayn go’aan metelaya shacabka Soomaaliyeed.
Fahad Yaasiin ayaa si toos ah u weeraray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo xasuusiyay dhibtii Soomaaliya kala kulantay cunaqabateyntii caalamiga ahayd ee la saaray tobannaan sano kahor.
“Madaxweyne Xasan Sheekh, ma hilmaantay in dalkaaga uu si daran ugu dhibtooday cunaqabateyn caalami ah? Sidee markaa uga mid noqon kartaa codbixiyeyaasha taageeray cunaqabateyn cusub oo la saaray dal Muslim ah?” ayuu su’aal toos ah ku waydiiyay.
Mowqifkan Fahad Yaasiin ayaa imaanaya xilli siyaasadda dibadda ee Soomaaliya ay wajaheyso su’aalo badan oo la xiriira dhinacyada ay dowladda la safaneyso marka ay timaado arrimaha gobolka iyo kuwa caalamka.
Dhaliishan ayaa noqon karta mid sii xoojisa culeyska siyaasadeed ee saaran Villa Soomaaliya, xilli uu khilaaf culus ka taagan yahay gudaha dalka, gaar ahaan arrimaha doorashada iyo kala guurka.