Home Wararka Maanta Fahad oo soo jeediyay Sida Kaliya ee Axmed Madoobe lagula Heshiin karo

Fahad oo soo jeediyay Sida Kaliya ee Axmed Madoobe lagula Heshiin karo

0

La-taliyihii hore ee amniga qaranka ee madaxweyne Farmaajo, iyo agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin ayaa ka hadlay khilaafka ka dhex aloosan dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland.

Fahad ayaa sheegay khilaafka Jubbaland iyo dowladda dhexe uu yahay imtixaankii ugu halista badnaa ee taabanaya mustaqbalka ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Bare.

Agaasimihii hore ee NISA ayaa waxa uu soo bandhigay saddex qodob oo uu ku sheegay “xalka ra’iisul wasaare Xamza iyo Jubbaland” taas oo marka dhan walba laga joogsado ay tahay inuu qaado Xamza.

Hoos ka aqriso qoraalka Fahad

Raysal Wasaare Xamza iyo xalka Jubaland

Khilaafka siyaasadeed ee dhex taalla Jubaland iyo Dowlada Federaalka waa imtixaankii ugu halista badnaa ee taabanaya mustaqbalka Raysul Wasaare Mudane Xamse Cabdi Bare.

Dhan walba oo laga joogsado Mudane Xamse waxaa u furan tubaha soo socda;

1. In uu Axmed Madoobe soo qanciyo, kuna soo celiyo madasha, sidaasna uu ku damiyo xiisada taagan.

2: In Raysal Wasaare Xamse uu muujiyo awooddiisa, siyaasad ahaan iyo degaan ahaan labadaba, uuna caddeeyo in Jubaland aysan ahayn xarun siyaasadeed oo Axmed Madoobe kaligiis u furan.

3. In uu ku dhawaaqo in uusan haysanin awood dowladeed oo uu wax ku maquuniyo ama galaangal qaraabannimo oo uu kursiga kusii haysto, duruuftana ay ku kaliftay inuu noqdo nabadoon deeqsi ah, sidaasna uu ku sadaqeeyo kursigiisa

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous articleWar Deg Deg ah: NISA oo Howlgal ku laayay Alshabaab Farabadan
Next articleNinka lagu naaneyso “quruxlowga” ee Caalamka laga Hadal haayay oo tallaabo laga qaaday