Home Wararka Maanta Fahad oo Ka hadlay Khilaafka adag ee haatan ka dhex taagan xamse...

Fahad oo Ka hadlay Khilaafka adag ee haatan ka dhex taagan xamse iyo axmed madoobe

0

Taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin ayaa soo saaray qoraal uu kaga hadlay go’aanka ra’iisul wasaare Xamsa uu ku wajahayo khilaafka ka dhashay doorashada Jubbaland iyo qorshaha meel ku dhegga ah ee Axmed Madoobe.

Fahad Yaasiin ayaa horay u sheegay in khilaafka siyaasadeed ee dhex yaalla Jubaland iyo Dowlada Federaalka uu yahay imtixaankii ugu halista badnaa ee taabanaya mustaqbalka Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

“Ra’iisul Wasaare 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐞 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢 𝐁𝐚𝐫𝐫𝐞 wuxuu doortay inuu muujiyo awooddiisa, siyaasad ahaan iyo degaan ahaan labadaba, uuna caddeeyo in 𝐉𝐮𝐛𝐚𝐥𝐚𝐧𝐝 aysan ahayn xarun siyaasadeed oo 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐌𝐚𝐝𝐨𝐨𝐛𝐞 kaligiis u furan,” ayuu yiri Fahad Yaasiin.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa maanta si cad u sheegay in Axmed Madoobe aan laga aqbali doonin in dadka Soomaaliyeed uu dhaafiyo fursadda dib loogu celinayo awoodooda doorashada madaxdooda.

Xamsa ayaa maanta tusaale u soo qaatay sida madaxda kale ee dowlad goboleedyada iyo dowladda federaalka ay xilalka sugu wareejiyeen, intii Axmed Madoobe uu heystay Jubbaland, isagoo si murtiyeysan u yiri “Hadii gugii kuu kordhaa uusan garaad kugu kordhin, maxaad geedka dhaantaa?”

Ad
Previous articleJubaland oo si lama filaan ah ugu jawaabtay Hadalkii Shalay ee raysulwasare xamse
Next articleDoorashadii Madaxwaynaha Soomaaliland oo si rasmi ah lagu dhawaaqay