Waxaa taagan dood xoogan oo ka dhalatay tallaabada lagu beegsaday Facebook-yada dad mucaarad ah oo kasoo horjeedo dowladda Soomaaliya, ayna ku jiraan Wariyeyaal caan ah, kuwaas oo hal mar hawada laga wada saaray.
Arrintan ayaa dhalisay walaac xoogan iyo in eedeymo loo jeediyay dowladda dhexe oo la xiriira ciwaannada shaqsiyaadkaas ee hawada laga saaray.
Wasaaradda warfaafinta Puntland oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa sheegtay in arrintan ay ka dambeyso Villa Soomaaliya, isa markaana si gaar ah loogu beegsanayo dadka kasoo horjeedo dowladda, si loogu caburiyo fikirkooda gaarka ah.
“Waxaa mas’uuliyad darro iyo xad-gudub ah in la isku dayo in la afqabto aragtiyaha toosinta iyo tilmaamaha ah ee ka imaanaya bulshadda Soomaaliyeed loona adeegsanaayo qolooyin burcad Internet-ka oo si gaar ah u beegsanaya mas’uuliyiinta iyo shacabka ka soo hor jeeda aragtida Siyaasadeed ee kali-talisninadda ah ee uu dalka u horseedaayo Madaxweyne Xasan sheekh Maxamuud taasoo muujineysa dul qaad la’aanta Xasan Sheekh Maxamuud ee aragti iyo maqal kasta oo ka duwan aragtidiisa” ayaa lagu yiri qoraalka.
Intaas kadib waxaa hadlay wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo beeniyay in dowladda ay beegsatay Facebook-yada dadka mucaaradka ku a madaxda sare ee dalka.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dowladda federaalka ay ka shaqeyso horumarinta xorriyatul qowlka, isla markaana ay qawaaniin ku dhisan tahay.
“Waxaas waxba kama jiraan, waa war iska raqiis ah dowladda Soomaaliyeed waxa ay ka shaqeysaa waa inay xorriyatul qowlku hormariso, waana dowlad qawaaniin ku dhisan” ayuu yiri wasii ku xigeenka wasaaradda warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya.
Haddii ay dowladda federaalka Soomaaliya iska fogeysay arrintan ayaa haddane waxaa la’is weydiinayaa cidda ka dambeysa weerarka lagu qaaday Facebook-yada hawada ka baxay.
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay
Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub
Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka