Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhisme dabaqyo ah oo xalay ku soo dumay dad isku qoys ah oo ku noolaa agagaarka Carwo Liimooni oo ku taalla gudaha Suuqa Bakaaraha ee degmada Howlwadaag.
Dhacdadaan ayaa timid kadib markii uu soo dumay dabaq ka kooban illaa siddeed biyaano, wuxuuna ku dul dumay dabaq kale oo afar biyaano, isna wuxuu ku dul dhacay guri Fillo ah oo ay daganaayeen dad isku qoys ah oo ay soo gaartay waxyeelo dhimasho iyo dhaawac.
Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay mashaqadaan, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale, sida ay xaqiijiyeen shaqaalaha gurmadka deg-degga ah ee goobta gaaray.
Saddexda qof ayaa kala ah hooyo, iyo laba gabdhood oo ay dhashay, waxaana weli ma maqan maydka mid kamid ah gabdhaha oo da’deeda lagu sheegay 14 sanno jir.
Mid kamid ah shaqaalaha waaxda gurmadka deg-degga ah ee maamulka gobolka Banaadir ayaa Telefishinka Universal uga warramay sida ay wax u dhaceen iyo khasaaraha guud.
“Meeshaan musiibaa ka dhacday gurigaan saddex qof ayaa ku dhintay laba qofood waa soo bixinay gabar yar oo carruur ahna, weli waa la la’yahay” ayuu yiri mid kamida shaqaalaha.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in arrintan ay sabab u tahay khalad ka dhashay, sida loo dhisay dabaqa soo dumay ee sababay dhimashada iyo dhaawaca.
“Sida maqalka naloogu sheegay waxaa la yiri guriga si khaldan ayaa loo dhisay Injineerkii dhisay oo shaqadaan lahaa qiyaamadaan ku dhisay oo sabab u ahaa in dadkaan Islaamka ah uu wax gaarsiiyo” ayuu mar kale hadalkiisa sii raaciyay.
Si kastaba, ma’aha dhacdadii ugu horreysay ee ka dhalata dhisme soo dumay, isla-markaana ay waxyeelo kasoo gaarto dad isku qoys ah, waxaana ugu dambeeyay afartii Carrruurta aheyd ee dhowaan ku geeriyootay dabaqii kusoo dumay degmada Shangaani.
Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay
Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada
Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka