Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo xalay ka dhex dhacay guri ku yaalla xaafadda Shiirkoole oo ka tirsan degmada Hodan ee gobolka Banaadir.
Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warrramayaa in lagu xiray qayb kamid ah guriga isla-markaana la qarxiyay, xilli ay ku sugnaayeen taliyaha iyo ilaaladiisa.
Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaan ku dhintay ugu yaraan afar askari, halka ay ku dhaawacmeen askar kale oo kamid ahaa ilaalada taliyaha la weeraray.
Sidoo kale waxaa burbur xoogan uu soo gaaray dhismaha guriga, maadaaama qaraxa uu sameeyay qaraxa oo ahaa mid xoogan.
Dhanka kale, ma jiro illaa iyo hadda waxa hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid degan.
S kastaba, weerarkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo maalmihii dambe xaaladda ammaan ee Muqdisho ay tahay mid deggan, marka loo eego falalkii hore ee ka dhici jiray caasimada.