Home Wararka Maanta Faahfaahinta dagaalka ka socda magaalada Khartuum

Faahfaahinta dagaalka ka socda magaalada Khartuum

0

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in rasaas xooggan ay ka dhacayso caasimadda Suudaan ee Khartoum.

Dagaalkan ayaa u dhaxeeya ciidamada militariga dalkaasi iyo ciidamo xoog badan ee loo yaqaanno kuwa gurmadka degdeg ah.

Ciidamada bixiya jawaabaha degdega ah ee loo soo gaabiyo RSF ayaa sheegay in ay la wareegeen garoonka diyaaradaha iyo madaxtooyada.

Ma jirto cid ka madaxbanaan oo xaqiijin karta sheegashada kooxdan. Mar sii horeysay RSF waxay sheegtay in la weeraray mid ka mid ah saldhigyadooda ku yaal koonfurta Khartoum.

Wakaalada wararka ee Reuters ayaa sidoo kale iyada oo soo xiganeysa dad goob joogayaal ah sheegtay in rasaas ay laga maqlay waqooyiga magaalada Merowe.

Ad
Previous articleCiidamada Dowlada oo Alshabaab Gorhow Kasaaray Deegaanka BudBud ee Galmudug
Next articleDiyaaradaha Dagaalka Sudan oo Duqeymo culus ku garaacaya saldhigyada RSF