Home Wararka Maanta Faahfaahin:Puntland oo qoraal yaab leh kasoo saartay go’aanka lagu xirayo qunsuliyadda Itoobiya

Faahfaahin:Puntland oo qoraal yaab leh kasoo saartay go’aanka lagu xirayo qunsuliyadda Itoobiya

0

Maamulka Puntland ayaa qoraal rasmi ah oo uu soo saaray ku gacan sayray go’aanka ay Dowladda Federaalka ku xireyso qunsuliyadda Itoobiya ay ku leedahay magaalada Garoowe.

Madaxtooyada Puntland ayaa qoraal ay soo saartay ku tiri “Dowladda Puntland iyo Dowladda Federaalka ee Ethiopia waxaa ka dhexeeya xiriir soo jireen ah iyo iskaashi qoto-dheer oo ku salaysan dhaqan- dhaqaalaha, amniga iyo isu-socodka bulshada.”

Puntland ayaa ku eedeysay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya inayy laashay Dastuurkii xaqiijinayey isku-haynta ummada iyo dowlad-dhiska Soomaaliya, sida lagu yiri qoraalka.

“Go’aankii ka soo baxay magaalada Muqdisho 4ta Bisha April 2024, ma ahayn mid loogu danaynayey maslaxada umadda Soomaaliyeed ee waxa uu ahaa mid ku salaysan cadaawad, xin iyo hagardaameyn lala daba-joogo shacabka Puntland laguna majo-xaabinayo federaalaynta Soomaaliya,” ayey tiri Puntland.

“Haddaba, waxay Dowladda Puntland cadaynaysaa in ay danaheeda kala macaamilayso wadamada deriska ah, beesha caalamka iyo dhamaan daneeyeyaasha arrimaha Soomaaliya, islamarkasna go’aanka xiritaanka Qusuliyada Garowe aanu khusayn Puntland.”

Qaraar shalay kasoo baxay Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa lagu yiri “Laga billaabo maanta oo taariikhdu ay tahay 04 April 2024, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay xirtey islamarkaana oggolaanshihii hawlgalka oo ay dalka uga furnaayeen kala noqotay qunsuliyadaha ay Dowladda Itoobiya ku lahayd magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa, waana in ay muddo todobaad gudahiis ah ku xirtaa labadaasi qunsuliyadood.”

Dowladda ayaa sidoo kale amartay inay toddobaad gudihiis dalka uga baxaan diblomaasiyiinta Itoobiya.

“Diblomaasiyiinta iyo shaqaalaha Dowladda Ethiopia uga howlgala labada qunsuliyadood ee ka furnaa magaalooyinka kor ku xusan waa in ay dalka uga baxaan muddo todobaad gudahiis ah.”

Qaraarka ayaa sidoo kale lagu sheegay in diblomaasiyiinta Dowladda Itoobiya ee u hoggaansami waaya qaraarkan “ay galayaan xadgudub ka dhan ah Qaranimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya” lagana qaadi tallaabooyin dheeri ah oo waafaqsan xeerarka diblomaasiyadda caalamka, sida lagu yiri qoraalka.

Dhinaca kale, qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa lagu amray safiirka Itoobiya Mukhtaar Maxamed Waare inuu dalka uga baxo 72 saac gudahood.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Suuqa Bakaaraha Oo Dab xoogan Ka Kacay
Next articleCiidamada Amaanka Muqdisho oo Gacanta kusoo Dhigay Askarigii kibirka Ku Dilay Sacad Muuse