Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo argagax leh oo gelinkii dambe ee Talaadii ka dhacday degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, gaar ahaan halka loo yaqaano Cali Gololey oo kala qaybisa Dharkenley iyo Kaxda.
Dhacdada ayaa timid, kadib markii halkaas si arxan darro ah uu askari ka tirsan ciidamada dowladda uu ugu dilay nin shacab ah oo ku sugnaa Timo-jare ku yaalla halkaasi, kaas oo lagu magacaabi jiray Sacad Cabdi Muuse.
Wiil uu dhalay marxuumka ayaa sheegay in aabhiis loo dilay iiga kac kursiga Timojaraha aniga ayaa ka hormaraayo, sida uu u sheegay warbaabhinta.
“Aabahey waxaa la dhahay anaa fuulaayo ee ka kac Timo-jaraha, caawa wuxuu sariir ku saaran yahay adiga ma fuuleysid ee anaa fuulaayo ayuu mayd ku yahay” ayuu yiri.
Sidoo kale gabar kamid ah ehellada marxuum Sacad Cabdi Muuse ka sheegay sida ay wax u dhaceen, waxaana ay sheegtay inuu abti uu ahaa marxuumka.
“Abtigeyga waxaa lagu dilay gar darro cad isaga oo Timo-jare fadhiyo gacan ka xaq darran ayaa dishay, waxaan dalbaneynaa in wax naloo qabto” ayay tiri gabadhu.
Waxaa kale oo ay intaasi ku daray inay aasi doonin maydka, illaa iyo cadaaladda lasoo istaajino askariga dilay marxuumka.
“Abitigey mala duugaayo inta aan ka heleyno cadaalad Firinjeerka ayuu noogu jirayaa” ayay hadalkeeda sii raacisay.
Wararka ayaa intaas ku daraya in eedeysanaha oo goobta ka baxsaday ay goor dambe soo qabteen ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Wararka aan ka heleyno magaalada Laasaanood ee xarunta maamulka SSC Khaatumo, ayaa sheegaa in saakay halkaasi gaareen wafdi horudhac u ah safarka Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar kamid ah
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay
Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada Caalamka oo laga fuliyay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka oo
Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka
Ad