Home Wararka Maanta Faahfaahin Khilaafka ka Dhexeeye Hirshabeele iyo Dib udhac Xoogan oo ka dhashay

Faahfaahin Khilaafka ka Dhexeeye Hirshabeele iyo Dib udhac Xoogan oo ka dhashay

0

Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka HirShabelle, Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) oo haatan ku sugan magaalada Beledweyne ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee maamulkaasi, gaar ahaan khilaafka ka jira HirShabelle.

Yuusuf Dabageed ayaa sheegay in khilaafka u dhexeeya reer Beledweyne iyo HirShabelle uu saameyn ku yeeshay horumarkii maamulkaasi, loona baahan yahay in xal loo helo.

“Wax haddii ay halaabaan waa naga dhexeeyaan, haddii ay hagaagaana waa naga dhexeeyaan waxaan laga tashan waa halaabaayaan in la’is khilaafo iyo khilaaf micnihiisana waan aragnay” ayuu yiri Yuusuf Dabageed oo ka hadlayay khilaafka la haray HirShabelle.

Madaxweynaha ku xigeenka HirShabelle ayaa shaaca ka qaaday inay haboon tahay in dib loo saxo wixii khaldamay oo la’isugu yimaado miiska wada-hadalka, si xal loo wada gaaro.

“Muslim waa khaldamaa ee waxaa haboon inaan wax saxno oo ka wada tashano oo wanaagii aan ka wada shaqeyno” ayuu mar kale yiri madaxweyne ku xigeenku.

Dabageed oo hadalkiisa sii wata ayaa farriin culus u diray reer Beledweyne, wuxuuna ka codsaday inay kusoo laabtaan HirShabelle, si looga gudbo khilaafka labada dhinac.

“Dadka Soomaaliyeed oo walaalahey ah oo Beledweyne jooga waxaan ka codsanayaa inaan tashano oo waxa naga dhexeeya aan ka tashano” ayuu sii raaciyay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan Beledweyne ay ka socdaan kulamo kala duwan oo ay wadaan taliyaha NISA, Sanbaloolshe, hoggaamiyaha ciidanka Macawiisleyda Cali Jaytse iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka oo ka ambabaxay magaalada Muqdisho.

Ad
Previous articleMaxkamadda Racfaanka oo mar kale bilowday dhageysiga kiiska Sayid cali
Next articleDagaal Faraha Looga Gubtay Oo Ka Dhacay Deegaanka Zeituun Ee Magaalada Qaza