Dahir Cali Hussein ayaa burcad hubeysan waxay xalay ku dileen dukaan uu ka shaqeysanayay oo ku yaala xaafada Samora Michael ee Hoostagta degaanka Philippi ee Magaalada Cape Town
Sida ay xaqiijinayaan warar aan helnay burcada hubeysan ee Muwaadinka Soomaaliyeed dilay ayaa sidoo kale dhac u geystay dukaanka iyagoo marka kadib isaga baxsaday goobta
Ciidamo ka tirsan Booliiska capo Town oo gaaray dukaanka uu falka dilka ka dhacay ayaa sheegay in ay baarayaan dhacdada iyo burcadii ka dambeeysayba, mana jirto illaa hadda cid loo soo xiray dilkan.
Dilalka iyo dhaca loo geysto Soomaalida iyo ajaaniibta kale ayaa sanadahan dambe caadi ka noqday dalka Koonfur Afrika.
Ad