Ciidamada Dowladda ee dhawaan la wareegay deegaanka Masaajid Caligaduud ayaa gubay gaari qaraxyo ay ku soo rareen Al-Shabaab, kaasoo ay ku soo weerareen mid ka mid ah difaacyada Ciidamada halkaas ay ka sameysteen.
Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay in Gaariga lagubay uu ahaa nuuca raaxada oo Soomaalida ay utaqaan Leyla Calaawi kaas oo ay xogtiisa horay u ahayeen ayna ka hor tageen.
Kooxda Shabaab ayaa isku dayeysa sidii ay culeys u saari leheyd ciidamadda dowladda, si ay uga baxaan Masjidka Cali Guduud oo istiraatiiji u ah, sidoo kalena ay ka difaacaan saldhigooda ugu weyn ee gobolkaasi ee degmads Aadan Yabaal.
Ciidamadda oo nasiino yar galay kadib ayaa u ruqaansaday dhankaas iyo Aadan Yabaal oo Shabaab ay ka diyaariyaan duulaanada ay ka geystaan gobolada Hiiraan, Galgaduud iyo isla Sh.Dhexe.