Home Wararka Maanta Faahfaahi:Jeneraal Cabdullahi Xusen Wardheere ( Waran ) oo Saakay lagu Dilay Muqdisho

Faahfaahi:Jeneraal Cabdullahi Xusen Wardheere ( Waran ) oo Saakay lagu Dilay Muqdisho

0

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa saakay xaafada Siisii ee degmada Dayniile waxa ay ku dileen Jeneraal Cabdullahi Xusen Wardheere ( Waran ) oo katirsanaa saraakiisha milatariga Soomaaliya gaar ahaan kuwa ka shaqeeya wasaaradda gaashaandhigga.

Sida aan wararka ku helnay sargaalka ayaa la toogtay xilli uu hilib ka iibsanayay miis hilibka lagu gado, waxaana dilay dhallinyaro biskoolado watay, kuwaa oo la sheegay in shan xabbadood madaxa uga dhufteen.

Kooxdii dilka geesatay ayaa goobta si degdeg ah uga baxsatay, waxaana la sheegay in ay horey usii qaateen biskoolad uu watay jeneraalka ay dileen , waxaana daqiiqado kaddib goobta gaaray ciidamo katirsan dowladda.

Sida aan wararka ku helnay ciidamo katirsan milatariga oo ka baxay wasaaradda gaashaandhigga ay tageen goobta uu dilku ka dhacay, waxa ayna halkaasi ka xireen dad goobta ku sugnaa xilliga uu dilku dhacayay.

Degmada Dayniile gaar ahaan aaga saakay lagu dilay sargaalkan ayaa horey loogu dilay dad badan oo isugu jiray askar iyo dad kale oo shacab ah, mana jiraan inta badan cid loo qabtay diallkaasi.

Doonyo Hub u siday Kooxda Shabaab oo lagu bur-briyay Duqeymo Cirka ah

Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo kaashanayay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa 15-kii Abriil 2025 duqeyn cirka ah ka fuliyay gudaha Soomaaliya, si loo burburiyo hub casri ah oo saarnaa dooni

Dowlada Somaliya oo Sheegtay in 35 Xubnood onShabaab ah lagu dilay Hawlgal ka Dhacay Gobolka Bay

In ka badan 35 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal culus oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed.

Ciidanka Dowlada oo Kaashanaya kuwa Mareykanka oo Duqeyma ka geestay Aadan Yabaal

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu faahfaahiyay duqeyn culus oo Xalay fiidkii lagula eegtay gudaha degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab. Howlgalkaan

Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka hadlay Dagaalka Aadan Yabaal ee Ciidanka Dowlada looga saaray

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa si faahfaahsan uga hadlay dagaalka dowladiisa kula jirto kooxda Al-shabaab ee ka socda inta badan gobolada dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh oo u muuqday

Ciidanka Dowlada iyo Kuwa Koonfur Galbeed oo Shabaab kula Dagaalamay Duleedka Baydhabo

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Bay gaar ahaan degaanka Burjeedka waxa uu dagaal culus ah ku dhex maray Ciidamada Militeriga Soomaaliya iyo kuwa Daraawishta Koonfur Galbeed oo
Ad
Previous articleMadaxweyne Putin Oo 200 Muwaadiniin Mareykanka Ah Ka Maamnuucay Inay Galaan Ruushka.
Next articleTaliyaha Cusub ee NISA Galnudug oo Dhusamareeb soo Gaaray Tan iyo Markii lamagacaabay(Sawiro)