Home Wararka Maanta Faadumo Cali: Kalkaalisada Soomaaliyeed ee labo sano gudaheed ku noqotay milyaneer

Faadumo Cali: Kalkaalisada Soomaaliyeed ee labo sano gudaheed ku noqotay milyaneer

0

Faadumo Cali, waa milkiilaha shirkadda Hoiwa oo ka shaqaysa arrimaha caafimaadka, balse labo sano ka hor waxay ahayd kalkaaliso ka shaqeysa isbitaal.

Hadal-haynta ku saabsan gabadhan ayaa warbaahinta qabsatay kaddib markii ay ku guulaysatay abaalmarinta sanadka ee shakhsiyaadka ganacsiga iskood u abuurtay ee waddanka Finland.

Guddiga abaalmarintan bixiya ayaa sheegay in ay Faadumo ku doorteen maadaama ay shirkaddeeda Hoiwa Oy shaqaalaysiisay tiradii ugu badnayd ee dadka qaxootinnimada kusoo galay waddanka, oo ah kuwa caqabadaha ugu adag kala kulma helista shaqada.

Sababta labaad ee lagu doortay waxay ahayd in shirkaddeeda ay shaqaalaha siiso mushaar ka badan midka caadiga ah, iyo in ay xuquuq badan ku helaan goobta shaqada.”Aqoonsigan billadda la igu siiyay wuxuu muujinayaa in carruurta qaxootiga ah ay awoodi karaan inay guulo ka gaaraan Finland gudaheeda, dadka kalena fursado u abuuri karaan,” ayay ku tidhi khudbad ay ka jeedisay xalfladda lagu guddoonsiiyay abaalmarinta.

Muddo labo sano ah oo ay jirtay shirkaddeeda waxay samaysay dhaqaale malaayiin doolar ah, si xowli ahna kor ayay ugu sii socotaa.

Maxay ahayd tallaabadii ay qaadday?

Waraysi ay Faadumo siisay warbaahinta Suomen Yrittäjät ayay ku sheegtay in “markii ay bilaabaysay aasaaska shirkaddeeda ganacsiga ay go’aansatay inay ka tagto shaqadeeda kalkaalisannimo, dadkuna ay aad ula yaabanaayeen, iyagoo u malaynayay inay tahay qof waalan”.

Hadda waxaa u suurtagashay inay kobac degdeg ah samayso, shaqaalaheedana waxaa ka mid ah dadka soo galootiga ah ee u baahan garab qabashada.

Shirkadda Hoiwa oo la abuuray 2020-kii waxay labo sano kaddib soo xaraysay lacag malaayiin eros ah.

Hoiwa shaqadeedu waa hannaan ganacsi oo ay kalkaaliyeyaal ugu diraan xarumaha caafimaadka iyo isbitaallada shaqaalaha caafimaadka raadinaya, sidaasna waxay ugu fududeysaa helista xirfadleyaal la hubo.

Ad
Previous articleWasiir Janan oo Si lama Filaan ah uga hadlay Doorashada Laga Wareejiyay Garbahaareey
Next articleGudoomiyaha Golaha Shacabka: Maxay musharraxnimada Xidig u dhimi kartaa Farmaajo iyo Deni?