Home Wararka Caalamka Erdogan: Xulufada Nato waa inay ixtiraamaan walaaca Turkiga

Erdogan: Xulufada Nato waa inay ixtiraamaan walaaca Turkiga

0

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in isbaheysiga Nato ay tahay inay fahmaan walaaca dhanka amniga ah ee uu Turkiga ka muujinayo codsiga Sweden iyo Finland ee ku biiridda Nato.

Erdogan oo la hadlayay xildhibaanno kasoo jeeda xisbigiisa ayaa sheegay in aysan wax dan ah ka laheyn wafdiga Finland ee doonaya in laga la hadlo arrintani.

Waxa uu sheegay in Sweden aysan ka sugin Turkiga in uu u ansixiyo codsiga ay ku dooneyso inay noqoto xubin ka tirsan Nato iyada oo aysan dib usoo celin waxa uu ku tilmaamay “argagixisada”.

Turkiga wuxuu ku eedeeyay Sweden iyo Finland inay gabbaad siinayaan xubno ka tirsan kooxda PKK , kooxdaas oo uu Turkiga u aqoonsaday inay argagixiso yihiin iyo wadaadka lagu magacaabo Fethullah Gulen oo uu Turkiga ku eedeeyay inuu ka dambeeyay afgembigii dhicisoobay ee sanadkii 2016-ka ka dhacay dalkaas.

Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Turkiga, Finland iyo Sweden waxay ku gacan seyreen codsiyo dhowr ah oo ku aadan inay Turkiga usoo gacan geliyaan xubnaha ka tirsan maleeshiyaadka kooxda Kurdida ah.

 

 

Muqdisho oo Laga Ambabixiyay Ciidan ka tirsan Booliska oo ku Wajahan Jiidaha Dagaalka:- Sawiro

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi oo uu wehliyo Taliye ku xigeenka Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullaahi Maxamed ayaa Magaalada Muqdisho ka sagootiyey Ciidamo Boliiska katirsan oo ku

Madaxweyne Xasan Shiikh oo la kulmay hogaanka howlgalada ciidanka Cirka ee Somaliya :- Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay Hoggaanka Howlgallada Ciidamada Cirka Soomaaliyeed ayaa ka dhagaystay guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada, gaar ahaan

Dowlada Somaliya oo Lagu Wareejinayo Diyaaradaha Turkiga ee Bayraktar Akıncı

Somalia ayaa heli doontaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar Akıncı ee casriga ah ee Turkiga si ay uga caawiyaan Ciidanka Xoogga dalka dagaalka ka dhanka ah Alshabaab. Akıncı waxay

Lacagta Dollarka Mareykanka oo Wajaheysa Hoos u Dhicii ugu Xumaa ee Taariikhda

Dollarka Mareykanka ayaa wajahaya hoos u dhicii ugu xumaa tan iyo sanaddii 2008-da, iyadoo ay sii kordhayso welwelka ku saabsan in siyaasadaha dhaqaalaha iyo arrimaha dibadda ee aan la saadaalin

Dowlada Mareykanka oo Sabab u Noqotay Xil ka badelka lagu Sameeyay Wasiirka Gaashaandhigga

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa isku shaandheyn iyo is beddel ku sameeyay qaar kamid ah golihiisa Wasiiradda, waxa uuna xilka ka qaaday kana saaray meesha labo Wasiir,
Ad
Previous articleCiidamadii ugu Badnaa ee Ukrain u Dhashay oo isku Dhiibay Ciidamada Ruushka(Sawiro)
Next articleDiyaarada Turkish Airline oo Sabab layaab leh ku joojisay Dulimaadki ay ku imaan Jirtay Muqdisho