Madaxweynaha Turkiga ayaa sidoo kale jimcihii ku dhawaaqay in uusan siin doonin iftiinka cagaaran ee wadamada Waqooyiga Yurub codsiyada xubinnimada NATO. Taageero la’aanta Turkiga waxay ka dhigan tahay inaysan awoodin inay xubin ka noqdaan xulafada difaaca.
“In iyaga lagu daro xulafada waxay ahaan lahayd qalad ,” ayuu yiri madaxweynaha Turkiga Jimcihii.
Erdogan ayaa ku eedeeyay dalalka Sweden iyo Finland inaysan mowqif cad iska taagin waxa uu Turkigu u arko argagaxisada – isagoo si gaar ah farta ugu fiiqay kooxaha Kurdiyiinta iyo dadka uu maamulka Erdogan aaminsan yahay inay xiriir la leeyihiin isku daygii afgambi ee 2016-kii.
Haddii Turkigu yiraahdo “maya”, Sweden iyo Finland ma noqon doonaan xubno NATO ah.