Home Wararka Maanta Elon Musk oo la kulmay safiirka Iran u fadhiya Qaramada Midoobay

Elon Musk oo la kulmay safiirka Iran u fadhiya Qaramada Midoobay

0

Elon Musk, bilyaneerka sida aadka ah ugu dhow madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump, ayaa la kulmay safiirka Iran u fadhiya Qaramada Midoobay si uu u qaboojiyo xiisadda u dhaxeysa Tehran iyo Washington, waxaa sidaas Khamiistii weriyey wargeyska The New York Times.

Wargeyska ayaa ka soo xigtay ilo-wareedyo aan la magacaabin oo Iiraaniyiin ah in ay ku qeexeen kulanka dhexmaray ninka ugu taajisan adduunka iyo danjire Amir Saciid Iravani “mid wanaagsan.”

Labada nin waxay in ka badan hal saac ku kulmeen goob qarsoodi ah Isniintii, ayuu yiri wargeyska.

Kulanka, haddii la xaqiijiyo, wuxuu bixin karaa tilmaam horudhac oo ah in Trump ay dhab ka tahay diblomaasiyadda Iran, oo uusan dooraneyn habka dagaalka ahaa ee ay doorbidayaan xubno badan oo ka tirsan xisbigiisa Jamhuuriga iyo Israa’iil.

Waxay sidoo kale muujin doontaa mar kale saameynta aan caadiga ahayn ee Musk, milkiilaha Tesla iyo X, oo si joogta ah ugu dhow dhinaca Trump, ayada oo lagu soo waramayo inuu xitaa kala qeyb-galayey wada sheekeysiyada taleefoon ee hoggaamiyeyaasha adduunka.

Balse Trump waxa uu isu muujiyey inuu yahay heshiis sameeye weyn, waxaana ololihiisii ugu dambeeyey uu ka dhawaajiyey inuu u furfuran yahay diblamaasiyadda, inkasta oo ay jirto taageeradiisa xooggan ee ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, kaas oo horey u amray weerar ka dhan ah Iran.

Ad
Previous articleItoobiya oo ku dhawaaqday in dadaalkeeda lagu wiiqayo al-Shabaab
Next articleXasan Shiikh oo Ka hadaly Geerida Ku Timid Siilaanyo