Home Wararka Maanta Ehelada Jeneraal Sheegow Axmed Cali iyo xildhibaanada Jareerweyne oo beeniyay in Jananka...

Ehelada Jeneraal Sheegow Axmed Cali iyo xildhibaanada Jareerweyne oo beeniyay in Jananka la sumeeyay

0

Xildhibaanada dowladda Federaalka Soomaaliya ee kasoo jeeda beesha Jareerweyne iyo qoyska uu ka dhashay Allaha u naxariistee Jeneraal Sheegow Axmed Cali ayaa si adag u beeniyay warar been abuur ah oo sheegayay in la sumeeyay marxuumka, kaddib markii uu xalay si lama filaan ah ugu geeriyooday isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho.

Qoyska marxuumka iyo xildhibaanada beesha Jareerweyne ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa si wadajir ah u sheegay in wararkaasi yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn, iyagoo bulshada Soomaaliyeed ka codsaday in aan laga been abuurin geerida Sheegow. Waxay sidoo kale shacabka u xaqiijiyeen in marxuumka uu u geeriyooday xanuun muddo hayay, isla markaana aysan jirin wax raad ah oo muujinaya in si ula kac ah wax loogu dhimey.

“Waxaan dadka ku boorinaynaa in ay isdajiyaan, kana digtoonaadaan faafinta warar aan xaqiiqo ku fadhiyin oo dhaawacaya xurmada marxuumka iyo dareenka qoyskiisa,” ayuu yiri mid kamid ah xubnaha qoyska oo saxaafadda la hadlay.

Dhankeeda, Wasiir Dahabo Suusow oo katirsan xukuumadda Federaalka ah isla markaana ka mid ah ehelada marxuumka, ayaa sheegtay inay ku qanceen warbixinta rasmiga ah ee kasoo baxday isbitaalka Digfeer. Waxay sheegtay in aan loo baahnayn in buuq iyo madmadow laga abuuro geerida Sheegow.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan, oo isna saxaafadda la hadlay ayaa shaaca ka qaaday in Jeneraal Sheegow uu geeriyooday kadib markii uu istaagay beerkiisu, iyadoo lagu arkay calaamado la xiriira Cagaarshowga nooca Habitat B.

Jeneraal Sheegow Axmed Cali ayaa horraantii bishii Nofembar 2023 waxaa Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ku xukuntay 10 sano oo xabsi ciidan ah, kaddib markii uu hoggaaminayay ciidan gaar ah oo dagaal la galay ciidanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya bartamihii bishii Agoosto 2023, taasoo sababtay khasaare iyo dagaal culus oo ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho. Dagaalkaas ayaa lagu qabtay Sheegow iyo ciidamo kale oo la socday, kuwaas oo qaarkood lagu xukumay dil iyo xabsi.

Qoyska marxuumka ayaa xaqiijiyay in aaska Jeneraal Sheegow lagu qaban doono magaalada Muqdisho maalinta Arbacada ee soo socota.

Kaalmada Caruurta ee Sweden oo hoos u dhacday Mudo 50 sano ah

Xisaabaadka cusub ayaa muujinaya in qiimaha masruufka carruurta (Barnbidrag) ee Iswiidhan uu hoos ugu dhacay heerkii ugu hooseeyay muddo nus qarni ah, marka la xisaabiyo qiimo joogto ah. Qiimaheeda dhabta

Mareykanka oo diiday maalgelinta Qaramada Midoobay ee Ciidamada Midowga Afrika Ee Soomaaliya

Mareykanka ayaa si cad u diiday inuu taageero qorshaha Qaramada Midoobay ee lagu maalgelinayo ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AUSSOM, kuwaas oo ka howlgala Soomaaliya. Tallaabadan ayaa dhalisay walaac

Dowlada Mareykanka oo Yareeneysa Awooda Safaaradiisa Muqdisho iyo Xiritaanka Safaarado kale

Dowladda Maraykanka ayaa qorshaynaysa in ay xidho ku dhawaad 30 safaaradood iyo qunsuliyadood oo ay ku leedahay waddamada caalamka, sida ku xusan dhukumeentiyo ay heshay CNN oo ay diyaarisay Waaxda

Raisal Wasaare Xambe Bare oo lagu Wareejiyay 25 kamid ah Maxaabiista Somaliland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa la wareegay 25 maxbuus oo kasoo jeeda Somaliland, kuwaas oo lagu qabtay dagaalladii ka dhacay gobolka Sool, sida lagu sheegay warmurtiyeed

Magaalada Muqdisho oo Rasi ah looga bilaabay Diiwaangalinta Doorasho Qof iyo Cod

Waxaa maanata magaalada Muqdisho si rasmi ah uga bilaawday diiwaangalinta cod bixiyayaasha oo ah talaabadii ugu dambeysay ee ka harsanayd bilaabashada doorashada qof iyo codka ah ee golayaasha deegaanka. Guddoomiyaha
Ad
Previous articleJeneraal Sheegow oo ku geeriyooday Muqdisho iyo Dowladda oo war kasoo saartay
Next articleEx Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay in baaritaan lagu sameeyo Geerida Jeneraal Sheegow