Home Wararka Caalamka Duuliye la habaabay diyaarad Ruushku leeyahay oo ka dagey Mareykanka

Duuliye la habaabay diyaarad Ruushku leeyahay oo ka dagey Mareykanka

0

Duuliye u dhashay dalka Kuuba ayaa jimcihii la soo dhaafa diyaarad duug ah oo laga leeyahay dalka Ruushka ka dejiyay garoon diyaaradeed oo ku yaalla koonfurta gobolka Florida, ee dalka Mareykanka sida ay ku warrameen mas’uuliyiinta dalkaas.

Diyaarada Antonov An-2 ayaa ku degtay garoonka Dade-Collier subaxdii jimcaha abbaare 11:30- subaxnimo xiliga waqtiga maxaliga ah.

Gegida dayuuradaha ee Dade-Collier waxay ku taal meel u dhow dhulka qoyan ee Florida. Duuliyaha reer Kuuba ayaa sheegay inuu ka soo duulay Sancti Spíritus, oo ah gobol ku yaalla bartamaha Kuuba oo in ka badan 400 kilomitir dhanka bari kaga beegan Havana, sida ay sheegeen saraakiisha garoonka caalamiga ah ee Miami.

Xafiiska canshuuraha iyo ilaalinta xudduudaha ayaa billaabay baaritaanno la xiriira sida ay wax u dhaceen.

 Bogga facebook ee warbaahinta CiberCuba ayaa lagu sheegay in duuliyaha waday  diyaaradda, lagu magacaabo Rubén Martínez, waxaana boggaasi lagu baahiyay sidoo kale sawirro muujinaya diyaarad midabkeedu jaalle yahay oo taagan cirifka garoonka laga dejiyay.

Sida laga soo xigtay CiberCuba, Martínez wuxuu duuliye u ahaa Shirkadda Adeegga Hawada ee Cuba (ENSA).

Lama oga ilaa iyo hadda xaaladda ku qasabtay inuu weeciyo dayuuradda oo uu ka dejiyo meel aan qorshaha ugu jirin markii hore.

diyaaradaha Ruushka

Diyaaraddan Antonov An-2, oo sidoo kale loo yaqaanno Annushka, waa diyaarad hal matoor leh oo asal ahaan ka mid ah diyaaradihii 1940-yadii, la isticmaali jiray waxayna ahayd noocii ugu horreeyay ee diyaaradaha Antonov, oo sidoo kale ahaa diyaaradihii dhanka ganacsiga loo adeegsan jiray.

Diyaaraddan hadda ka degtay garoonka Florida ayaa ah nooc loo isticmaalo alaabaha fudfudud iyo beeraha, waxayna qaaddaa 12 qof oo rakaab ah.

Tirada dadka Kuuba ee safarka dhulka iyo baddaba ku tagaya Mareykanka ayaa cirka isku shareertay sanadkii lasoo dhaafay.

Ilaa iyo hadda bishan Oktoobar, mas’uuliyiintu waxay badda ku qabteen in ka badan 400 oo qof, oo la socday doomo.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleMuwaadiniin Soomaaliyeed oo lagu dilay xadka ay wadaagaan Dalalka Rwanda iyo Congo
Next articleshir DEG DEG ah oo laisugu yeeray Maamul Goboleedyada iyo Dowlada fedaraalka oo dhawaan Furmi doona