Home Wararka Maanta Duuliye diyaaradda Turkish Airlines oo ka soo baxday Mareykanka ayaa geeriyooday

Duuliye diyaaradda Turkish Airlines oo ka soo baxday Mareykanka ayaa geeriyooday

0

Duuliyaha ayaa xanuunsaday iyadoo diyaaradda hawada ku jirta duulimaadkeeda Seattle ee ku jeeday Turkiga.

Kabtaan Ilcehin Pehlivan oo 59 jir ahaa ayaa markii uu xanuunka ku soo booday waxaa diyaaradda la wareegay duuliyihii labaad iyo caawiyaha sida uu sheegay afhayeen u hadlay diyaaradda oo barta X soo dhigay qoraalka.

“Markii uu shaqeyn waayay gargaarkii degdeg ee duuliyaha la siiyay ayey shaqaalaha diyaaradda go’aansadeen in ay deg deg u dagaan, wuxuuna geeriyooday duuliyaha inta aysan degin diyaaradda”

Diyaaradda oo ah Airbus A350 waxay ku degtay New York, waxaana la qorsheynayaa in rakaabka la geeyo Turkiga.

Diyaaradda markii ay soo gashay dhulka Nunavut ee hawada Canada ayuu duuliyaha xanuunsaday.

Sababta keentay geerida duuliyaha ayaan weli sheegin. Duuliyayaasha waxay maraan baaris caafimaad 12-kii biloodba mar iyadoo kuwa da’doodu ka weyn tahay 40-ka sano ay maraan baaris caafimaad lixdii bilood mar.

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo Gaaray Dalka Asmara
Next articleTirada ku dhimatay Gaza ayaa dhaaftay 42000 oo qof