Home Wararka Maanta Duqayntii Trump amray ee Buraha Galgala oo la shaaciyay Sarkaalkii lagu dilay

Duqayntii Trump amray ee Buraha Galgala oo la shaaciyay Sarkaalkii lagu dilay

0

Wargeyska Daily Mail ee UK ayaa shaaca ka qaaday in duqeyntii cirka ee toddobaadkii hore ka dhacday Soomaaliya lagu dilay hoggaamiye sare oo ka tirsanaa kooxda Daacish, kaasoo la rumeysan yahay inuu mas’uul ka ahaa qorista argagixiso loogu talagalay fulinta weeraro ka dhaca dalalka Galbeedka.

Ninka la beegsaday ayaa magaciisa lagu sheegay Ahmed Maeleminine, oo ah sarkaal sare oo Daacish u qaabilsanaa qorista dagaalyahannada, maalgelinta, iyo hoggaaminta howlgallada dibadda.

“Ninkani wuxuu qortay argagixiso ka kala yimid caalamka daafihiisa, wuxuuna u tababaray si ay u dilaan dad aan waxba galabsan, kadibna wuxuu dib ugu celiyay dalalka reer Galbeedka si ay halkaas uga fuliyaan weeraro Jihaadi ah oo ka dhaca in ka badan hal waddan,” wxaaa sidaas yiri Sebastian Gorka, oo ah agaasimaha sare ee la-dagaallanka argagaxisada ee maamulka Trump.

Sanadihii u dambeeyay, laanta Daacish ee Soomaaliya ayaa yeelatay awood sii kordheysa, iyadoo lacago u kala diraysa caalamka, isla markaana qorsheyneysa weeraro heer caalami ah.

Gorka ayaa xusay in Ahmed Maeleminine si weyn looga dhex aqoonsanaa hay’adaha sirdoonka ee Mareykanka.

Wuxuu intaa ku daray: “Sida uu Madaxweyne Trump ku sheegay qoraalkiisii caanka noqday ee ku saabsanaa howlgalkan, ciidamadeennu waxay muddo dheer daba joogeen oo kormeerayeen Ahmed Maeleminine, laakiin maamulka Biden ayaa si joogto ah uga caga jiiday inuu qaado tallaabo kasta oo ka dhan ah maskaxdan argagixiso.”

Trump ayaa bartiisa Truth Social ku qoray: “Argagixisadan dilaaga ah, oo aan ku ogaanay inay ku dhuumanayaan godad, ayaa khatar ku ahayd Mareykanka iyo xulafadeenna.”

“Duqeymaha cirka ayaa burburiyay godadka ay ku gabaadsanayeen, waxaana lagu dilay argagixiso badan, iyadoo aan waxyeello loo geysan shacab aan waxba galabsan.”

36 oo dadaal culus ah

Howlgalkani wuxuu yimid ka dib 36 saacadood oo dadaal culus ah oo ka socday Aqalka Cad, iyadoo saraakiishu ay marka hore u ololeynayeen oggolaanshaha duqeynta, kadibna ay si dhow ula socdeen natiijooyinka ka dhalanaya.

Gorka iyo La-taliyaha Amniga Qaranka Mike Waltz ayaa Khamiistii lka horeysay Sabtida weerarka uu dhacay hortagay Madaxweyne Trump, iyaga oo la wadaagay warbixin sirdoon oo ku saabsan howlgalka, taasoo ka dhacday Xafiiska Oval-ka.

Gorka ayaa yiri: “Waxaan madaxweynaha siinay warbixin ku saabsan halista xooggan ee uu Ahmed Maeleminine xambaarsanaa iyo godadka uu ku dhuumanayay ee waqooyiga Soomaaliya, iyo waliba xaqiiqda ah in Aqalka Cad ee Biden uu diiday inuu wax ka qabto.”

“Madaxweynuhu isla markiiba wuxuu oggolaaday fulinta howlgalka, isaga oo ku saxiixay qalinkiisa caanka ah ee madow ee Sharpie.”

Amarka fulinta howlgalka ayaa loo gudbiyay taliska ciidamada, waxaana “ciidamada ugu awoodda badan caalamka ugu dambeyntii loo fasaxay si ay mar kale u gutaan waajibaadkooda,” ayuu hadalka ku daray Gorka.

Kooxda Gorka iyo Waltz ayaa Sabtidii subax isugu yimid xarunta dhexe si ay ula socdaan dhaq-dhaqaaqyada duqeynta.

Abbaaro 9:50 subaxnimo, 16 diyaaradood oo dagaal oo nooca F-18 ah ayaa duqeeyay godadka ku yaallay gobolka Puntland ee Soomaaliya.

Saraakiisha ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka ee Super Hornets ay ka soo duuleen markabka dagaal ee Harry S. Truman, oo ku sugnaa Badda Cas.

Dad goob joogayaal ah ayaa soo warinaya inay arkeen olol cirka isku shareeray oo ka dhashay ugu yaraan toddobo qarax oo is xig-xigay.

Generaal Adan Cabdi Xaashi, oo ah taliyaha Ciidamada Daraawiishta Puntland, ayaa u sheegay VOA: “Duqeymaha ayaa lagu beegsaday ku dhawaad 10 goobood oo ku yaalla deegaannada Cal-Miskaad, inta badan goobaha la beegsaday waxay ahaayeen godad, waxaana aaminsannahay in dagaalyahanno badan ay ku dhinteen duqeymahaas.”

Ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa howlgallo militari ka billaabay aagga dhamaadkii sannadkii hore si ay maleeshiyaadka, kuwaasoo u badan ajaanib, uga saaraan buuraleyda.

Duqeyntii Sabtidii ayaa noqotay tii ugu horreysay ee uu Madaxweyne Trump amar ku bixiyo tan iyo markii loo dhaariyay xilka taliyaha guud markii labaad.

Kordhinta beegsiga argagixisada

Gorka ayaa hadalkiisa ku soo xiray: “Iyadoo maamulka Biden uu si fudud Afghanistan ugu wareejiyay kooxaha argagixisada, iyo burburkii ka dhacay Dimishiq, waxaan aragnay dib u soo laba-kacleyn ku yimid dhaq-dhaqaaqyada Jihaad-doonka caalamiga ah, gaar ahaan qaaradda Afrika.”

“Jilayaasha sharka wada ee doonaya inay na waxyeelleeyaan ayaa loo oggolaaday inay dib u habeyn ku sameystaan safafkooda, isla markaana ay ballaariyaan howlahooda, haa, waqooyiga Soomaaliya wuxuu noqday saldhig cusub oo ay Daacish ku xoogeysato.”

“Xaaladdaas oo idil ayaa is-beddeshay 12:01 saac ee January 2025 markii Madaxweyne Trump uu mar kale noqday Taliyahayaga Guud, Mareykankuna hadda wuu soo laabtay.”

Daacish waxay si weyn u raadisay goobo cusub oo ay ku gabaadsato tan iyo markii ay lumisay gacan ku haynta dhulkeedii saldhigga u ahaa ee Ciraaq iyo Suuriya.

Laanta Daacish ee Soomaaliya ayaa qaadatay doorka ugu weyn ee ururka, iyadoo warar la helayo ay sheegayaan in hoggaamiyahaheeda Cabdulqaadir Muumin uu la wareegay hoggaanka guud ee dhaq-dhaqaaqa Daacish.

Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhoweysay duqeyntan, iyadoo ku tilmaantay “tallaabo muhiim ah” oo loo qaaday dagaalka ka dhanka ah argagaxisada.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay: “Waxaan soo dhoweyneynaa dadaallada go’aanka adag ku saleysan ee Mareykanku hoggaaminayo ee lagula dagaallamayo argagaxisada.”

“Si wadajir ah, waxaan sii wadi doonnaa burburinta shabakadaha argagixisada … waxaanna dhiseynaa mustaqbal argagaxisada xor ka ah.”

Ad
Previous articleRecep Tayyip Erdogan oo bilado gaar ah ku sharfay Dowladda Soomaaliya
Next articleXaalada magaalada Gaalkacyo oo Dagaal qarka usaaran iyo Dad lagu laayay