Home Wararka Somaliya Galmudug Duqayn Culus oo Xalay lagu Qaaday Alshabaab ku Sugnaa Galmudug

Duqayn Culus oo Xalay lagu Qaaday Alshabaab ku Sugnaa Galmudug

0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah iyo dadka Deegaanka ayaa xalay saq-dhaxe Howlgal qorsheysan oo dhanka cirka ah ka fuliyay inta u dhaxeysa Mesagawey iyo Baraag Sheikh Caamir oo ka tirsan Galgaduud.

Howlgalkaan ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Xawaal xoreey iyo Raage Bariir, waxaana lagu dilay in ka badan 21 ruux oo Alshabaab ah, waxaana lagu gubay gaari Cabdi bile ah.

Weerarkaan ayaa ahaa mid aad loo qorsheeyay waxaana xalay saqdii dhaxe fuliyay Diyaaradaha dagaalka, waxaana si gaar ah loo beegsaday goob ay maalmihii la soo dhaafay Alshabaab ku dhuumanayeen.

Ad
Previous articleCiidamada Dowlada oo Howlgal Culus Ku Qaaday Alshabaab(Sawiro)
Next articleDowlada Soomaaliya oo ka jawaab ka bixisay tallaabo ay qaaday Itoobiya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here