Home Wararka Maanta Duqa Stanbul oo Dagaal kula jira Erdogan oo Maxkamad lasoo Taagay

Duqa Stanbul oo Dagaal kula jira Erdogan oo Maxkamad lasoo Taagay

0

Duqa mucaaradka ka tirsan ee magaalada Istanbul, Ekrem Imamoglu, ayaa Jimcaha maanta ah si adag u cambaareeyay waxa uu ugu yeeray “cadaadis dhanka garsoorka ah” oo lagu hayo, iyadoo kumanaan taageerayaashiisa ah ay caddaalad ka dalbanayeen maxkamadda horteeda.

Imamoglu, oo ah ninka ugu weyn ee Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan kaga soo horjeeda dhinaca siyaasadda, ayaa hadalkan jeediyay kaddib markii uu warbixin siiyay xeer ilaalinta, taasoo la xiriirtay laba baaritaan oo lagu furay horraantii bishan.

Waxa uu sidoo kale wajahayaa dhowr dacwadood oo kale oo sharci ah.

“Waxaan la kulmeynaa cadaadiskii garsoor ee ugu darnaa ee ka jira Istanbul,” ayuu u sheegay taageerayaashiisii isku soo baxay, isagoo dul taagan saqafka sare ee bas, kaddib markii uu ka soo baxay maxkamadda Caglayan ee Istanbul.

Imamoglu, oo ka tirsan xisbiga ugu weyn mucaaradka ee CHP, isla markaana dib loogu doortay duqa magaalada sannadkii hore, ayaa ballan qaaday inuusan marnaba is dhiibi doonin. “Waan sii wadi doonnaa la dagaallanka dulmiga iyo caddaalad-darrada,” ayuu yiri.

Bayaankiisa Jimcihii wuxuu daba socday laba baaritaan oo lagu hayo hadallo uu ka sheegay xeer ilaaliyaha guud ee Istanbul iyo markhaati khabiir ah oo ay maxkamaddu magacawday, kaasoo qayb ka ahaa dacwado ka dhan ah golayaasha deegaanka ee CHP ay maamusho.

Waxaa loo haystaa inuu geystay hanjabaad, aflagaado, iyo bartilmaameedsi sarkaal, iyo waliba isku day ah inuu saameyn ku yeesho maxkamadeyn caddaalad ah.

Qoraal uu u gudbiyay xeer ilaaliyaha, oo nuqul ka mid ah ay aragtay wakaaladda wararka ee AFP, ayuu Imamoglu ku beeniyay dhammaan eedeymaha loo soo jeediyay, isagoo xusay inuu si xor ah u adeegsanayay xorriyatul qawlka.

“Ma jirin wax hanjabaad ah ama bartilmaameedsi ah oo ku jiray hadalladeyda. Waxa aan sheegay uun waxay ahaayeen fikirkeyga xorta ah,” ayuu yiri. “Xorriyatul qawlku waa xuquuq dastuuri ah, taasoo ay ka mid tahay in xaq loo yeesho dhaleeceynta hay’adaha garsoorka iyo hab-shaqeedkooda,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

‘Shirqool’
Isagoo la hadlayay taageerayaashiisii aadka u tirada badnaa, Imamoglu wuxuu shaaca ka qaaday in “shirqool” la maleegay.

Dhanka kale, Duqa mucaaradka ee Ankara, Mansur Yavas, oo isna goobta joogay si uu u taageero, ayaa ku eedeeyay dowladda Turkiga inay dalka u beddeshay “xabsi weyn oo furan.”

Mas’uuliyiinta Turkiga ayaa si joogta ah u beegsada suxufiyiinta, qareennada iyo wakiillada siyaasadeed ee la soo doorto, gaar ahaan tan iyo afgambigii dhicisoobay ee 2016-kii.

Tusaale ahaan, Maxkamad ku taalla Istanbul ayaa Khamiistii amartay in la soo xiro wariye ka tirsan telefishin mucaarad ah, kaddib markii uu baahiyay wareysi ay mas’uuliyiintu sheegeen in lala yeeshay qofka wareysiga bixiyay, iyadoo uusan oggolaansho ka haysan – qofkaas oo ahaa isla khabiirkii ay maxkamaddu magacawday ee Imamoglu dhaleeceeyay.

Dadkii isugu soo baxay waxaa ka mid ahaa taageerayaal qaar oo xirnaa maaskaro ay ku sawiran tahay wejiga Imamoglu, halka kuwa kalena ay lulayeen boorar. Goobta waxaa ka muuqday ciidan boolis ah oo aad u tiro badan.

“Dowladda waxay isku dayaysaa inay ciriiriso fursadaha ay haystaan mucaaradka, oo ay ku jiraan suxufiyiinta, ayna ku cabsi geliso eedeymo aan sal iyo raad toona lahayn,” ayuu yiri Fethi Kocaer, oo 71 jir ah, kaasoo haystay boor ay ku qoran tahay: “Si wadajir ah ayaan u halgami doonnaa.”

“Geesinimada iyo mowqifka adag ee Duqa Imamoglu ayaa naga caawin doona inaan midowno. Ma quusaneyno, balse waxaan sii xoojin doonnaa la dagaallanka dulmiga,” ayuu u sheegay wakaaladda wararka ee AFP.

Fevziye Yalcin, oo 57 jir ah, ayaa iyaduna sheegtay in dacwadaha ka dhanka ah Imamoglu ay yihiin kuwo aan wax macno ah samaynayn.

“Arrintaasi waxay kaliya naga dhigaysaa kuwo kasii xoog badan rabitaankeenna ah inaan la dagaalanno iyaga. Ugu dambayntii, waxaan kula xisaabtami doonnaa dowladda goobaha codbixinta,” ayay si geesinimo leh u tiri. “Imamoglu marnaba keligiis ma noqonayo.”

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleJabuuti oo Hub Culus soo Gaarsiiyay Gobalka Hiiraan oo Dagaal Alshabaab ah ka dhan ah kasocdo
Next articleMaxay Ahaayeen Askarta Soomaalida ah oo isku dhiibay Ciidamada Kenya ?