Home Wararka Maanta Duqa magaallo ka tirsan Sweden oo soo gaaray Muqdisho(Sawiro)

Duqa magaallo ka tirsan Sweden oo soo gaaray Muqdisho(Sawiro)

0

magaalada Bolnas ee dalka Sweden, Mudane Cabdullahi Aadan ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Cabdullahi Aadan ayaa waxaa garoonka Muqdisho kusoo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir iyo xildhibaano kamid ah  baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale soo dhaweynta waxaa ka qayb-galay guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo agaasimeyaal iyo qeybo ka mid ah bulshada gobolka Banaadir.

Intaasi kadib ayaa mas’uulkan waxaa loo galbiyay xarunta Dowladda Hoose ee Xamar, halkaas oo uu ku qaabilay dhiggiisa Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale)

Ujeedka safarka Duqa Magaalada Bolnas ayaa la xiriira howlo shaqo, waxaana inta uu joogo Muqdisho uu maamulka gobolka Banaadir kala hadli doonaa sidii la’isaga kaashan lahaa wada-shaqeynta iyo wax is-dhaafsiga labada magaallo ee Bolnas iyo Muqdisho.

Sidoo kale waxaa la filayaa inay kala saxiixdaan heshiisyo horumarineed oo ku aadan caasimadaha labada waddan.

Dhinaca kale gudoomiye ku xigeenka Howlaha Guud ee maamulka gobolka Banaadir, Mudane Xasan Maxamed Jimcaale oo ku sugan magaalada Nairobi ee caasimada Kenya ayaa soo xiray kulan socday muddo 4 cisho ah oo looga hadlayay qodoba ay kamid yihiin:

1- Sawirida Magaalada dhanka Satellite-ka, 2-Aasaaska Barta Xakamaynta Dhulka (GCP), 3-Soosaarka Khariidadda Magaalada Muqdisho (Topographic Mapping), 4-Horumarinta Nidaamka (GIS Web), 5-Tababarka Shaqaalaha Dowlada Hoose.

Kulan kadib ayaa sidoo kale maamulka gobolka Banaadir iyo howlwadeenada mashruucan fulinaaya kala saxiixday howlaha shaqo oo ay ka qabanayaan magaalada Muqdisho, iyada oo saxiixa heshiiskan ay goobjoog ka ahaayeen aggaasimeyaal katirsan Dowladda Hoose ee Xamar wakiila ka socday dowladda Jaban.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleDowladda oo Shaacisay in la dilay in ka badan 40-dagaalyahan oo katirsan Al Shabaab
Next articleMuxuu barnaamijka Deris-wanaagga ka beddeli karaa amniga Soomaaliya?