Home Wararka Maanta Dr. Xasan Shiikh oo Gaaray Bali Doogle iyo Xaalada Safarkiisa

Dr. Xasan Shiikh oo Gaaray Bali Doogle iyo Xaalada Safarkiisa

0

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay ku jiraan saraakiil sar sare ayaa goordhow gaaray xerada Balidoogle ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaas oo uu gacanta ku hayo Mareykanka.

Madaxweynaha ayaa marka uu tegay xerada salaan sharaf ka qaatay ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka oo ku sugan xeradaasi.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa ka qayb-galayo munaasabad ka socota xerada oo ay ku qalinjabinayaan ciidamo cusub oo tababar ku dhameystay Balidoogle, kuwaas oo kamid noqonayo kumaandooska Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta uu ku sugan yahay xerada Balidoogle kulamo kala duwan la qaadan doono saraakiisha ciidanka Mareykanka ee gacanta ku haya xeradaasi, isaga oo kala hadli doono taageerada dowladdooda ay siiso Soomaaliya.

Horay xeradan waxaa u booqday ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo kulamo la yeeshay saraakiisha ciidamada kumaandooska Danab iyo kuwa Mareykanka ee ku sugan halkaasi.

Mareykanka ayaa kamid ah dalalka ka qayb-qaata dagaalka Al-Shabaab, waxaana ciidamo boqalaal ah iyo saraakiishooda ay joogaan xerada Balidoogle ee Shabeelaha Hoose.

Waxaa kale oo uu Mareykanka taageero milatari iyo tababar siiyaa ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan kuwa Danab oo saldhiggooda ugu wayn uu yahay xerada Balidoogle.

Ad
Previous articlePuntland oo Diiday in Ciidamo Laga Soo qoro Deganadooda
Next articleItoobiya oo Si Adag ugu Hanjabtay Dowlada iyo Dadka Soomaaliyeed