Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbadiisii maanta ee uu ka hor jeediyay baarlamaanka Soomaaliya waxa uu ka sheegay in fikirka ah hadii ciidamada Itoobiya ay isaga baxaan dhulka Soomaaliya ay suuragal tahay in ay qabsadaan ururka Shabaab aysan aaminsanayn dowladdiisu.
Mar uu ka hadlayay xiriirka labada dal ayaa waxa uu yiri, “Cabsigalinta Itoobiya la’aanteed dalka Khawaarij ayaa qabsanaysa xaqiiqo ma aha”.
Waxaa jira dad badan oo ka faalooda amniga Soomaaliya oo qaba in joogitaanka ciidamada Itoobiya ee gobolada qaar ee Soomaaliya ay u diiday ururka Shabaab in ay qabsadaan, hadii ay baxaanna ay goboladaasi halis u yihiin qabsashada ururka.
dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Koonfur-galbeed ayaa ka mid ah kuwa ay ku sugan yihiin ciidamada ugu badan ee Itoobiya.
SIdoo kale horay ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa waxa uu sheegay in ciidamadiisu ay kaalin wayn ka qaateen sugista amniga Soomaaliya.