Dowladda Uganda ayaa ku baaqday in dib u heshiisiin loo sameeyo Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada dalka, si loo soo afjari xiisad siyaasadeed ee ka dhexeysa Dowladda Dhexe iyo Maamulada Jubaland iyo Puntland.
Danjire John Mugerwa, oo matalayay Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Uganda, ayaa dalbaday in la dardar geliyo dib u heshiisiinta siyaasadeed ee u dhexeysa Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada, iyo odayaasha dhaqanka.
Wuxuu danjiraha soo jeediyay in sidoo kale la dhiso hay’ad siyaasadeed oo kor joogteyn ku sameysa dadaallada xasilinta dalka Soomaaliya, lana higeliyo nidaam dabagal iyo qiimeynba ku sameeya arrimahan.
Danjiraha ayaa hadalkan ka sheegay shir ay isugu yimaadeen wafuud ka socday dalalka Ciidamada ku yaboohaya howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya ee AUSSOM.
Si-kastaba, Dalalka ka qeyb galay shirkan oo ay ka mid ahaayeen Djibouti, Masar, Itoobiya, Kenya, iyo Uganda, ayaa isku raacay in Dowladda Federaalka laga gacan siiyo sidii ay cagta u marin la heyn Kooxda Al Shabaab oo xiriir dhow la leh Ururka Al Qaacida.