Home Wararka Maanta Dowladda Turkiga oo qaadeysa tallaabaddii ugu horreysay kadib heshiiskii shidaal qodista Soomaaliya,

Dowladda Turkiga oo qaadeysa tallaabaddii ugu horreysay kadib heshiiskii shidaal qodista Soomaaliya,

0

Dowladda Turkiga ayaa qaadeysa tallaabaddii ugu horreysay kadib heshiiskii shidaal qodista Soomaaliya, ayada oo Soomaaliya usoo direysa markabkeefa sahminta.

Turkish Petroleum oo ah shirkad ay dowladda Turkiga leedahay ayaa lagu wadaa inay toddobaadyo gudahood Soomaaliya usoo dirto markabka Seismic Oruc Reis, si u bilaabo sahminta saddex baloog oo dhowaan laga siiyay xeebaha Soomaaliya.

Wasiirka Tamarta ee Turkiga Alparslan Bayraktar ayaa shaaciyay in Turkiga markabkan uu Soomaaliya usoo diri doono horraanta October ee sanadkaa, si uu helo xogta seismic ee 3D ee dhulka saliidda iyo gaaska ee gudaha Soomaaliya.

Bayraktar ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in sahanka 3D uu socon doono muddo bilo ah.

Maraakiibta taageerada oo ay ku jiraan kuwa badda ayaa raaci doona markabka Oruc Reis inta uu ku jiro socdaalka Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah heshiis ballaaran oo dhex-maray Ankara iyo Muqdisho, kaasi oo qeyb ka ah difaaca badda iyo tababarada muddo labo sano ah, si loo xaqiijiyo gelitaanka saddex goobood oo sahaminta badda ah.

Heshiiskan ayaa sidoo kale wuxuu xaquuq qaas ah u siinayaa Turkiga inay hydrocarbon oo ah shidaal iyo gaaska dabiiciga ah ka baarto kadib kasoo saarto saddex aag oo kiiba yahay 5-kun kilomitir oo isku wareeg ah.

Labada ka mid ah aagagga ayaa waxay 50 kilimitir loo galayaa badda, halka mid ka mid ahna uu gudaha badda loo aadayo ilaa 100 kilomitir.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleCali Najax iyo Faarax faataxo oo Barxada Caabudwaaq lagu Dilay
Next articleTurkiga oo Ku wajahan Itoobiya iyo Xaalda itoobiya iyo Soomaaliya oo laga Hadlaayo