Home Wararka Maanta Dowladda Soomaaliya oo xaqiijisay in madaxweyne Deni uu ka qeyb galayo shirka...

Dowladda Soomaaliya oo xaqiijisay in madaxweyne Deni uu ka qeyb galayo shirka Wadatashiga

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, uu ka qeyb geli doono shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu qabanayo magaalada Muqdisho.

Sida uu sheegay mas’uul sare oo ka tirsan dowladda, Madaxweynaha Puntland ayaa si rasmi ah horey loogu diray casuumaad, si uu uga mid noqdo hogaamiyeyaasha lagu martiqaaday wadatashiga.

Shirka ayaa diiradda lagu saarayaa sidii xal looga gaari lahaa khilaafaadka siyaasadeed ee jira, looguna midoobi lahaa jihada horumarinta dalka.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa tilmaamaya in safarka Madaxweynaha Puntland ee Muqdisho uu yahay mid ay beesha caalamku door ku leedahay, iyadoo wakiillo ka tirsan beesha caalamka ay dhowr jeer kula kulmeen madaxweyne Deni magaalooyinka Garowe iyo Boosaaso. Kulamadaas ayaa looga hadlayay muhiimadda uu leeyahay in Puntland ay dib ugu soo laabato miiska wadahadalka.

Waxaa xusid mudan in madaxweyne Deni uusan ka qeyb galin shirarka Golaha Wadatashiga tan iyo bishii December ee sanadkii 2022.

Xiriirka ka dhexeeya Dowladda Federaalka iyo maamulka Puntland ayaa xumaaday, waxaana gebi ahaanba istaagay wadashaqayntii iyo kulamadii dhex mari jiray labada dhinac.

Turkiga oo yeelanaya 90% dakhligii shidaalka iyo Gaaska uu kasoo saaro Soomaaliya

Turkiga ayaa yeelan doona ilaa 90 boqolkiiba dakhliga kasoo baxa saliidda iyo gaaska laga soo saaro Soomaaliya, sida uu muujinayo heshiiska labada dal oo markii ugu horraysay nuqulkisa si rasmi

Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka oo loo doortay Xildhibaan Qawdhan

Kulan ay maanta iskugu yimaadeen Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay ku doorteen Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha

Booliska Dalka Australia oo ka War-bixiyay Wiil Soomaali ah ay toogteen

Booliska dalka Australia ayaa faah faahin ka bixiyay sababihii ka dambeeyay inay toogtaan wiil Soomaali ah waxaana ay sheegeen ay toogasho ku dileen nin ka mid ah Soomaalida ku nool

Madaxweynaha SSC Khatumo oo Sheegay Inay Doonayaan in dadka reer Sanaag ay wax wada dhistaan

Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Aw Cali Firdhiye, ayaa sheegay inuu doonayo in dadka reer Sanaag ay la dhistaan maamulkiisa, si hal maamul ay u wada yeeshaan. Wuxuu sheegay inay wadaan

Dowladda Uganda oo ku baaqday in dib u heshiisiin loo sameeyo Madaxda Dowladda Federaalka

Dowladda Uganda ayaa ku baaqday in dib u heshiisiin loo sameeyo Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada dalka, si loo soo afjari xiisad siyaasadeed ee ka dhexeysa Dowladda
Ad
Previous articleXubno ka Tirsan Kooxda Shabaab oo lagu dilay Jubbada Hoose
Next articleDowlada oo sharuud ku Xirtay in Axmed Madoobe ka Qeyb galo Shirka Wada-tashiga