Home Wararka Maanta Dowladda Soomaaliya oo sheegtay tirada dadkii ku dhintay iyo kuwii dhaawacmay qaraxii...

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay tirada dadkii ku dhintay iyo kuwii dhaawacmay qaraxii xalay ka dhacay Liido

0

Booliiska Soomaaliya ayaa war ka soo saaray qaraxii xalay ka dhacay dagmada Cabdicasiis gaar ahaan xeebta Liido.

Afhayeenka Booliiska Soomaaliya oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in qof naftii halige ah uu isku qarxiyay barxadda xeebta halkaas oo ay dad badan ku caweynayeen, ‘’Shaqsi ka tirsan Khawaarijta ayaa si toos ah u weeraray dhalinyaro intooda ku dalxiisaysay xeebta liido’’ ayuu yiri afhayeenka booliiska.

Dhanka kale afhayeenka ayaa sheegay tirade dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay qaraxii xalay ee xeebta liido, isagoona tirade dhimashada ku sheegay 32 qof halka dhaawacana u uku sheegay 63 qof.

Afhayeenka booliiska ayaa sidoo kale soo hadal qaaday in ay qabteen gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay kaas oo yaalay meel aan sidaa uga fogeyn xeebta, waxa uuna sheegay in ay qabteen ninkii gaarigaa waday oo dhaawac ah.

Ad
Previous articleDhacdo Xanun Badan:Shalay ayuu Muqdisho kusoo Dhaweeyey Xaaskiisa oo 4sano kala maqnaayeen Balse liido ayay ku Geeriyootay Xalay
Next articleWararkii ugu danbeeyay Qaraxii Xalay ka dhacay Muqdisho iyo Dadkii lagu laayay